Xisbiga WADDANI oo Maanta Xaflad Soo Dhaweyn ah Ku Qaabilay Siyaasiyiin iyo Haldoor Ku Bahoobay Wax-garadka Badbaado Qaran oo Ku Soo Biiray Xisbigaasi +SAWIRO

0
1439

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xaflad aad u bilan oo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhaweynaayey Siyaasiyiin iyo Taageerayaal ku bahoobay Wax-garadka Badbaado Qaran oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana si rasmi ah ugu soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Maansoor ee Hargeysa.

Xafladdan oo uu ka soo qeyb-gala Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa sida oo kale waxa kala soo qeyb-galay guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Siyaasi Ismaaciil yare,  Siyaasi Ismaaciil Buubaa, Siyaasi Abiib Timacad, Marwada Murashaxa Madaxweynaha Marwo Farduus Maxamed Rooble, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta ,garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba sida oo kale wax-garadka badbaado qaran iyo taageerayaashooda baaxadda weyn oo aad u tira badnaa.

Siyaasiyiinta ku bahoobay Wax-garadka Badbaado Qaran ee xisbiga WADDANI uu xafladda u sameeyey, waxa hoggaaminaayey siyaasiyiin miisaan culus ku leh saaxadda siyaasadda dalka ooh ore xilal muhiim ah uga soo qabtay qaranka Somaliland ku waasi oo ay ugu horreeyeen Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Siyaasi Cabdillaahi Cirro, Wasiirkii hore ee arrimaha Somalind Md.Axmed Jaambiir Suldaan, Wasiirkii hore ee Isgaadhsiinta Md.Abgaal iyo weli ba haldoor kale iyo wax-garad aad u tira badan.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xukuumaddii Cigaal Siyaasi Axmed Jaambiir Suldaan oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay sababahii uu uga soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE ee uu ugu soo biiray Xisbiga WADDANI.

“waxaan idiin sheegayaa waxaan ahaa xisbiga Kulmiye, waxaanan uga soo baxay waxa ka mid ah Laagtii uu Sameeyey Marxuumkii ee dalku yeeshay ee cadowga aanu kaga adkaanay maanta waa Xashiish. Lacagtii waxa socota maanta kunkaa ugu yar, lacag kunka la gaadhayna maaha wax kale ee waa Qiima Barar, waxa timid koox doolar urursato ah ayaa jabisay oo baabiisay shilinkii Somaliland taasina inama anfacayso, wax hantiya waxa aynu lahayn aqalo, aqaladii aynu lahayn qolo dhuuxa cunaysa, markii uu gabyayey waxa uu lahaa ‘cidaamkaa na fuulay’ cidaamkaa uu sheegayey keebaad moodaysaan waxa uu lahaa Aqaladii dhawrka boqol ahaa ee la inooga tagay, cidaamkiina way cuneen, markaa saw in la nacao maaha.”. Ayuu yidhi Axmed Jaambiir Suldaan

 

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xukuumaddii Daahir Ra’yaale Siyaasi Cabdillaahi Cirro oo isna halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey in ka dib markii ay odoros siyaasaddeed ay ku sameeyeen siyaasadda dalka iyo weli ba halka ay marayso xaaladda Somaliland ay go’aansadeen in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI.

“Kooxdayadani markii aanu aragnay, markii aanu in badan xuuraan ku jirnay, markaanu siyaasadda dhinac walba ka odorosnay, waxa aanu aragnay in Somaliland u baahan tahay in la badbaadiyo, waxaana aan idiin sheegaynaa in dhalinyaradiinan aan anagu odeyaal u nahay oo aanu tubta idiin sii jeexayno, markaa waxa aanu horta idin ku waanineynaa in aynu ka xorowno qabiilka, aqoonsi na qabiil ku heli mayno, markaa walaaleyaal markaanu eegnay cadaaladdii dalku halka ay mareyso oo maanta intii ay Somaliland jirtay waa markii ay cadaaladdu ugu hooseysay ee ay ugu musuqmaasuqa badneyd ee ay ugu fadhiidsanayd ee ay ugu liidatay sidaas awgeed waxa aanu go’aansanay oo aanu ku faraxsanahay in aanu maanta ku soo biirnay Xisbiga WADDANI.”. Ayuu yidhi Siyaasi Cabdillaahi Cirro

Wasiirkii hore ee Isgaadhsiinta Xukuumadda Siilaanyo Siyaasi Abgaal oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu ka mahad-celiyey xafladda soo dhaweynta ah ee lagu qaabilay isaga iyo siyaasiyiinta ku soo biiray Xisbiga WADDANI ee  Wax-garadka Badbaado Qaran, waxaana uu caddeeyey in wax badan ay ku soo kordhin doonaan siyaasadda iyo taageerada Xisbiga WADDANI.

“Waxa aanu aad iyo aad idiin ka guddoonay sida fiican ee aad noo soo dhaweyseen, waana aad ku mahad-san tihiin xafladda quruxda badan ee aad nagu qaabisheen, waxaana aanu rajeynaynaa in imaatinkayagu na uu kheyr noqdo oo Isha Allah aanu wax ku soo kordhino Xisbiga WADDANI.”. Ayuu yidhi Siyaasi Abgaal

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiin ka tirsan Xisbigaasi oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey siyaasiyiinta ku bahoobay Wax-garadka Badbaado Qaran ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana ay sheegeen in la gaadhay wakhtigii guusha isla mar ahaantaana ragga ku soo biirayaa ay yihiin kuwii sida weyn uga qeyb-qaadan lahaa badbaadinta qaranka Somaliland.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaah (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey siyaasiyiinta ku soo biiray, waxaana uu yidhi:-  “Waxaan aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga Waddani, qalbi furan iyo gacmo furanba ku soo dhaweynayaa odayaasha, waayo araga ah ee siyaasiyiinta ah ee miisaanka Somaliland ugu culus leh ee garbahayga taagan oo maanta aan halkan usoo doonan xil iyo xoolo toona, haday xoolo doonayeen Kulmiye yaaliin, haday xil doonayaan Kulmiye ayay yaalaan, labadaa midna may doonayn, waxay u yimaadeen inay qarankan u hiiliyaan, inay dalka badbaadiyaan ayay u yimaadeen, hiil qaran ayay u yimaadeen aad iyo aad ayaanu usoo dhaweynaynaa. Waxaan u mahadnaqayaa cidii soo abaabushay xafladan aadka u quruxda badan, xoghayaha guud iyo dhamaan gudidii qaban qaabada. Halkan inantii ka hadashay ee ka midka ahayd dadka qiimaha leh ee inoo yimid, waxay tidhi waxaad ii balan qaadaa inaan la cabudhin hablaha, horta cabudhintu Waddani waa ka xaaraanba, laakiin waxaan balanqaadayaa in aan la cabudhin hablaha iyo Inamada toona.”.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here