Xisbiga WADDANI oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyey 600 oo Qoys oo Abaarahu Sameeyeen, Kuna Nool Deegaanada Hoos Yimaada Salaxley + SAWIRRO

0
837

HARGEISA , (HargeisaPress) —Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta deeq raashin ah oo isagu jirta Bariis, Daqiiq iyo Saliidba, gaadhsiiyey 600 oo qoys oo ka mid ah dadka tabaaleysan ee ay abaarahu sameeyeen isla mar ahaantaana ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Salaxlay.

fcd6e131-ec75-41e1-9f63-a5f6ca172c42

Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta WADDANI iyo weliba sida oo kale taageerayaal qurbo-joog ah oo ka tisan xisbigaasi isla mar ahaantaana maanta gelinkii hore gaadhay deegaanadaas, ayaa 600 oo qoys oo danyar ah u qeybiyey deeqdan raashinka ah.

7369c40f-9712-4afe-8228-340bd8fed93c

Qaar ka mid ah dadweynahii halkaas looggu qeybiyey deeqda raashinka ah oo ka hadlay bixinta deeqdaasi, ayaa sheegay in ay aad uga mahad-celinayaan deeqdan raashinka ah ee la soo gaadhsiiyey, waxaana ay tilmaameen in la soo gaadhsiiyey wakhti ay aad u jilicsan yihiin oo ay sameeyeen abaaro xooggan oo ka jira deeganadaasi, iyaga oo carabka ku adkeeyey in u duceynayaan guud ahaanba xisbiga WADDANI iyo weliba sida oo kale dhammaanbam ciddii iska soo xilqaantay in ay dadkan tabaaleysan ee walaalahooda ah ay soo gaadhsiiyaan deeq raashin ah.

9a7ea2c4-dfa7-492b-b3c8-2d751cb7c7a3

Siyaasi Keyse Cali Geedi, mas’uuliyiinta degmada Salaxley ee xisbiga WADDANI, qurba-jooga iyo dhallinyaro iyaguna halkaas ka halday, ayaa dhankooda tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin in ay deeq raashin ah ay soo gaadhsiiyaan dad tabbaaleysan oo abaarahu saameeyeen, waxaana ay cod dheer ku muujiyeen in xisbiga WADDANI uu mar walba diyaar u yahay dhiiri-gelinta wax-tarka dadka jilicda san ee sida oo kalena ay saameeyeen abaaraha ba’an ee ka jira deeganadaasi, iyaga oo dhanka kalena farta ku fiiqay in aanay bixinta deeqdan uga gollahayn arrimo khuseeya siyaasad balse ay kaliya ugu tabo rucaayeen walaalahooda abaarahu saameeyeen.

0637d6e1-bdd5-43e4-8d49-a801f9d944ab

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here