Xisbiga Waddani Oo Cisbital-Weyn Ee Hargeysa Ku Booqday Dhalinyar Dhaawac Ka Soo Gaadhay Rasaas Ay Ciidanka Boolisku Ku Rideen+ Qadar Lacag Ahna Ku Caawiyey + SAWIRRO

0
1265

Hargeysa, (HargeisaPress — Wefti ka socday Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu hoggaaminaayey xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali(Riyo-raac), ayaa maanta Cisbitalka-Weyn ee Hargeysa ku booqday qaar ka mid ah dhalinyartii dhaawacu ka soo gaadhay rasaas ay ciidamadu boolisku ku rideen dhalinyaro dagaal ku dhex-maray Xaafada Daami ee Hargeysa, waxaana ay sida oo kale ay qadar Lacag ah ay ugu deeqeen dhalinyartii uu dhaawaca u jiiftay Cisbitalka Weyn ee Hargeysa.

tz

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Inj.Cabdirashiid Riyo-raac oo ay booqashadan ku wehelinaayeen, xoghaye ku xigeenka arrimaha gudaha Daa’uud Food Xuseen Jaamac(Food-cadde), xoghayaha Dalxiiska Md.Mubaarik Cabdi Xasan Buuni, Haldoor-Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, xoghaye ku xigeenka warfaafinta iyo Maxamed Muuse Tiyo, ayaa halkaasi kula kulmay dhalinyartii uu dhaawacu ka soo gaadhay rasaasta ay ciidamada Boolisku ku rideen.

ra

Inj.Cabdirashiid Maxamuud Cali oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in rasaasta ay ciidamadu la dhaceen dhalinyarta isaga oo Illaahayna uga baryey dhalinyarta in uu siiyo caafimaad sareecan ah, waxaana uu sida oo kale uu u sheegay in uu ku wareejinaayo qadar Lacag ah oo guddoomiye Ciro uu ugu soo dhiibay dhalinyartu in ay Afur ka dhigtaan.

qaw

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here