Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Dib U Dhaca Ku Yimid Doorashooyinka

0
1119

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka dareen celiyay hadalkii  komishanka doorashooyinka qaranka ee la xidhiidhay in xiligoodii ay dib uga dhacayaan doorashooyinka Wakiiladda iyo degaanku.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro), oo kadib shirkii jaraa’id ee komishanka doorashooyinka ay warbaahintu wax ka waydiisay ayaa ku gaabsaday in ay arrintaasi xisbi ahaan berito ka hadli doonaan.

C/raxmaan Cirro, oo ku sugnaa xarunta xisbigiisa ee magaaladda Hargaysa oo la waydiiyay xisbi ahaan siday u arkaan dhawaaqa komishanka, waxa uu ku jawaabay  “Beri ayaanu balanay, marka saacadu tahay 10-ka, ee beri noo kaalaya” ayuu yidhi C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale mar la waydiiyay in komishanku ay xisbiga Waddani ku eedeeyeen inuu qayb ka yahay dib u dhaca doorashooyinka ku yimid, waxa uu yidhi “Beri uun ha inoo ahaato, caqabad iyo caqabad la’aanba beri ayaanu ka jawaabi doonaa”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here