Xisbiga WADDANI Iyo Guddiga Komishanka Qaranka Oo Khilaaf Markale Soo Kala Dhex Galay

0
1053

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa mar kale is-hortaagay in la tiriyo Sanaaduuq ka tirsan Kuwa Cod-bixinta doorashadii Madaxtooyada dalka qabsoontay 13-kii bishan, gaar ahaan degmada Gabiley oo uu Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani cabasho iyo Dacwad ka gudbiyey, laguna Heshiiyey in baadhis iyo dib-u-tirin lagu sameeyo Sabtidii shalay.

Xubnaha Xisbiga Waddani u qaabbilsanaa tirinta Codadka iyo Hubinta Sanaaduuqda ee Guddiga doorashada la shaqaynayey, ayaa shaqada hakiyey markii shantii galabnimo ee galabta Xubnaha Guddiga doorashooyinku si cad isu hortaageen in la baadho Sanaaduuqda uu sida gaarka ah Xisbiga Waddani uga Dacwooday ee Goob-joogayaashiisa laga saaray markii la tirinayey habeennimadii doorashadu soo gebo-gabawday.

Masuul ka tirsan Xisbiga Waddani, ayaa laga waraystay sida wax u dhaceen, tallaabada ay qaadeen iyo halka wakhtigan hawshu marayso Caawa. Madaxii Ololaha Xisbiga Waddani Xamse Khayre, ayaa u Warramay Caawa Eryal TV oo su’aalo ka weydiiyey waxa jira ama dhacay, waxaanan Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here