Xisbiga WADDANI oo ku baaqay Mudaaharaad iyo Xukuumada Siilanyo oo ku Tilmaantay Sharci-darro

0
919

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xaruntiisa Hargeysa, ayaa ku baaqay Mudaharaado nabadgalyo oo ka dhaca guud ahaan Somaliland. Mudaharaadka ayaa lagaga soo horjeedaa in Golaha guurtida Somaliland kordhiso wakhti ka badan xilligii Komishanka doorashada Somaliland u asteeyeen doorashada ee ahaa 1-da June 2016-ka.

 

Kuxigeenka Gudoomiyaha Waddani, Axmed Muumin Seed, ayaa ku baaqay Mudaharaad Salmi ah oo Bulshada Somaliland, gaar ahaana taageerayaasha Waddani ku diidaan Muddo kordhin dheeraad ah oo lagaga horjeedo Guurtida oo baqdin xooggan laga qabo inay Xukumadda u kordhiso Laba Sannadood ama wakhti ku dhaw.

 

“Dhamaan Shacbiga Somaliland, Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee kala jooga daafaha aduunyada, waxaanu u sheegaynaa in Go’aanka Xisbiga Waddani yahay in Isniinta Bari ah Mudaharaad Salmi ahi uu ka dhici doono Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland iyo Caasimada Hargeysa. Mudaharaadkaas oo aanu ku cabbirayno dareenka Xisbiga Waddani ku diidan yahay in Wakhti Dheeraad ah lagu daro Xilligii lagu heshiiyay ee Komishanka doorashadu soo jeediyay ee ahaa 1-da June 2016-ka” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

 

Go’aanka Xisbiga Waddani, ayaa imanaya Maalin uun kadib markii Xisbiga Ucid iyo Kulmiye Saxeexeen Warqad jidaynaysa wakhti cusub oo muddo kordhineed loona jeediyay Guurtidu wakhtigay kordhinayso ka dhigto Hal sanno iyo 5 bilood, balse arrintaas Xisbiga Waddani ayaa ka biyo diiday islamarkaana Saxeexi waayay.

 

Gudoomiye xigeenka Waddani, Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in Shakhsiyaad ka tirsan Madaxtooyada iyo Xubno kooban oo Guurtida ka tirsani ku hawlan yihiin sidii ay bulshada uga leexin lahaayeen wakhtiga Komishanka doorashada, Axsaabta, Shacbiga iyo Bulshada Caalamku ku midaysan yihiin ee ah in doorashada la qabto 1-da June 2016-ka.

“Waxaanu golaha guurtida inta Maskaxdoodu Caafimaad qabto ugu baaqaynaa, Waxaanu Xukumadda ugu baaqaynaa inta Caafimaad qabta, waxaanu Shacbiga Somaliland inta doonaysa in doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacaan, inaanu bari dalka Somaliland oo dhan ka dhigi doono Mudaharaad Salmi ah.

Waxaanu faraynaa labada Janan, Ka Booliska iyo ka Militariga ba inay masuul ka yihiin ilaalinta nabadgalyada dadka isku soo baxaya, taas oo Shacbiga Somaliland ee Ogol geedi socodka Doorashadu uu soo bixi doono. Mudaharaadkaasi noqon maayo kii Taayirada la gubayay, aanu ahayn kii wax la gubayay ee aanu si Nabadgalyo ah u mari doono Dariiqyada oo aanu cabbiri doono sidaanu u diida nahay in doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacdo. Waxaan ugu baaqayaa Shacabku inay si amaan ah u soo baxaan, taliyaha Booliska iyo Ciidanku waxay Ciidan ku yihiin shacabka waxaan leeyahay yaanay xabbadi ku dhicin Shacabka ee dhawra nabaddooda. Waxaynu Somaliland baraynaa in iyadoo aan dagaalna dhicin, xabbadna dhicin dariiqyada aynu si salmi ah ku maro, dadkuna boodhadhkooda wataan” ayuu yidhi Mr Axmed Muumin Seed.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran Cadde, ayaa shacabka ugu baaqay in aanay isku soo bixi Karin, isla markaana cidna laga ogolaanin inay mudaharad sharci daro ah dhigaan.

“Shacabka waxaan leeyahay waad ogthiiin dhibaatooyinka ka taagan hareeraheena iyo sida Yemen iyo carabtii inoogu soo qaxayso, sidaa darteeed, cidna ka ogolaan mayno inay mudaharaad sharci daro ah dalka laga dhigo, waxa maanta codsi isoo gudbiyey xisbiga WADANI oo leh noo ogolow aanu qabsanno mudaharaad, sida laga war qabo dadkeenu uma bislo mudaharaad oo rabshaddo ayaa mar walba ka dhaca oo maalin walba dad baa inagaga dhinta, markii aan dastuurka eegaya waxaan arkay qodob ii fasaxaya inaan aqballin, marka guryhiina nabad ku fadhiya oo qof kasta hawlihisa ha qabsado loomana baahna in mudaharaad la sameeyo, xisbiyadana waxaan leeyahay warbaahinta waxaad doonta ka dhigo oo ku garnaqsadda laakiin ma ogoli wax mudaharaad ah”ayuu yidhi Cali Waran Cadde.

Sidoo kale, xisbiga UCID ayaa isna sheegay in aanu aragtidda la qabin xisbiga WADANI, isla markaana aanay ahayn in lagu deg dego mudaharaad.

“Waxaa nasiib-darro ah in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI aanu saxeexin wixii lagu heshiiyey ee qof ahaan iyo xisbi ahaanba uu qaybta ka ahaa, iyadoo ilaa hadda aanaan Xisbi ahaan gaaranayn Sababta Guddoomiye C/raxmaan Cirro uu uga baxay heshiiskaas, waxaannu halkan ku caddaynaynaa in guddoomiyaha WADDANI masuul ka noqonayo wixii ka yimaad Golaha Guurtida, maadaama uu ka baxay heshiiskii iyo go’aankii dabarka u ahaan lahaa Guurtida hamuunta u qabta muddo-kordhinta sharci-darada ah,” ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo ka hadlayer kulankii uu xisbiga wadani kaga baxay ee shalay la saxeexi lahaa xisbiyadda.

Si kastaba ha ahaatee, Xisbiga WADANI ayaa isagu ku baaqay mudaharaad salmi ah, haseyeeshee waxa arrintaasi si adag uga hor yimid xukuumadda oo sheegtay in aan cidna la ogolaanayn wax mudaharaad ah, iyadoo marka xisbiyaddu mudaharaad ku baaqaan isla maalintaasi ciidanka oo dhan la hawlgaliyo, isla markaana laamiyadda iyo goobaha dadku iskugu iman lahaayeen ciidanku ka hor tago, taas oo inta badan dhalisa isku dhacyo shacabka iyo ciidanka Amniga ah.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY