Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey 15 Xildhibaan ka Tirsan Golayaasha Degmooyinka Boorama iyo Baki + SAWIRRO

0
2024

Guddoomiyaha KULMIYE oo duray dhaqannada dublamaasiyadda ka baxsan oo xisbiga WADDANI la soo baxay + Wasiir Samaale oo ka hadlay tartankii dhexmaray isaga iyo Muuse Biixi

Borama , (HargeisaPress) —Hoggaanka Xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey 15-xildhibaan oo degmooyinka Borama iyo Baki ugu soo baxay ururradii hadhay iyo garabkii New UCID, kuwaas oo si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga KULMIYE.

Xaflad ballaadhan oo lagu qaabilay xildhibaannada oo ka dhacday huteelka Rays ee magaalada Boorama caawa, waxa ka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirro, xildhibaanno, madaxda xukuumadda iyo xisbigaba u qaabilsan gobolka Awdal iyo weliba mudanayaasha ku soo biiray xisbiga oo ay wehelinayaan taageerayaal ka mid ah dadkii soo doortay, waxaanna halkaasi laga jeediyey hadallo soo dhaweyn iyo dardaaran u badan.

Guddoomiyaha degmada Baki, kana mid ah xildhibaannada kusoo biiray xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Axmed Caateeye, ayaa sharraxaad dheer ka bixiyey sababa ku kallifay inuu ku biiro xisbul-xaakimka KULMIYE, waxana uu yidhi,“Anigu xisbiga KULMIYE lacagna kumaan raacin qabiilna kuma aan raacine mabda’ ahaan baan ku raacay, waxyaabihii uu olalaha ku galay oo ay kamid ahaayeen inuu Ciidamada derejooyin siin doono oo lacagtii Giimbaarta ahayd beddeli doono oo uu mushaharka shaqaalaha laban-laabi doono oo uu kaabayaasha dhaqaalaha kor u qaadi doono uu adeegyada aasaasiga ah ka shaqayn doono, ayaa kamid ahaa, intabana wuu ka dhabeeyey, taasina waxa ay kamid tahay waxyaabaha nagu qanciyey inaanu xisbiga kusoo biirno.”

Xildhibaanadii kale ee iyaguna halkaas ka hadlay waxa kamid ahaa  Xasan Axmed Caynaan, Axmed Sheekh Xuseen iyo weliba maayarka degmada Borama Md. Maxamed Xuseen Maydhane, waxana ay si isku mid ah u sheegeen inay ku qanceen barnaamijka iyo waxqabadka xisbiga KULMIYE, isla markaana ay hiil iyo hooba iskugu geyn doonaan sidii uu xisigu mar labaad hoggaanka dalka u qaban lahaa.

Wasiirrada wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxmed Cabdilaahi Obsiiye iyo Xidhiihdhka golayaasha Md. Cali Xaamud Jibriil oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xildhibaannada golaha deegaanka ee degmooyinka Boorama iyo Baki ee xisbiga kusoo biiray, waxana ay tilmaameen inay ku biiristoodu awoodda iyo kartida xisbiga kor usii qaadayso.

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa madasha ka hadlay, waxana uu sheegay in tartanku kamid yahay sunneyaasha dawliga ah, isla markaana  muhiimaddu tahay aanay in aanay ka dhalan colaad iyo cunfi, waxana uu xusay inaanu wax  nacayb ah reebin tartankii ay hore ula soo galeen xukuumaddii   uu hoggaaminayey madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxana uu yidhi,“Markay xisbiyadu tartamayaan mar baa loo maleeyaa inay dagaallamayaan, laakiin lama dagaallamayo, xisbigii talada dalka hayn jirey ee UDUB xisbi adag buu ahaa xaqiiqdii ahaa, haddii aan xisbi kale oo adag oo kubadda la ciyaaraa jirinna Somaliland meesha ay soo gaadhay may soo gaadheen, waxana laga yaabaa in dadka qaar yidhaahdaa Cabdicasiis iyo Muuse Biixi kuwii Daahir Rayaale ridaysay may ahayn, laakiin maanu ridayne qolo kale oo talada kala wareegaysay uun baanu ahayn.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu mudane Samaale markii ugu horraysay ka hadlay loollankii adkaa oo hore uga dhex dhacay xisbiga KULMIYE, kaas oo uu qayb ka ahaa, waxana uu shaaca ka qaaday inaanu tartankaasi wax turxaan ah reebin, isla markaana uu haatan si kal iyo laab ah ula shaqaynayo murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi,“Xisbiyada gudahoodana tartan baa ka jira. Marka xisbiga gudihiisa uu tartan ka dhacana waxa uu keenay midnimo xisbiga ah iyo xisbigu inuu yahay xisbi  iyo inuu xisbigu yahay mid ballaadhan oo dad damac leh oo rabitaan lihi ay xisbiga ku jiraan, waxase aad muhiim ah inaanu tartankaas gudaha ahi aanu xisbiga baabi’in, waxana la odhan karaa tartankii xisbiga KULMIYE muddo dheer ka jirey muu baabi’inin xisbiga, inkasta oo dad qiimo lihi laga yaabo inay xisbiyo kale galeen, taasina ay nolosha kamid tahay oo aanay ceeb ahayn, laakiin labadayadii garab ee ugu adkaa, garabkii uu Muuse hoggaaminayey iyo garabkii aan hoggaaminayey in aanaan kala tagine mid baanu nahay, waxana aan idiin sheegayaa inaanaan maalin kaliya ku kala tagine uu ahaa uu ahaa dagaal qadhaadh oo xisbiga gudihiisa ah uun oo qof waliba uu doonayey inuu hanto hoggaaminta xisbiga, isagaana(Muuse Biixi) ku guulaystay, anna isaga ayaan dhisayaa” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadalka soo af-meeray, ayaa soo dhaweeyey xildhibaannada cusub, isaga oo shaaca ka qaaday inay wax weyn ka tari doonaan halganka iyo dedaalka uu xisigu ugu jiro inuu umaddiisa ku qanciyo sidii ay mar labaad   talada dalka rabitaankooda ugu soo celin lahaayeen.

Muuse Biixi waxa uu sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha uu xisbiga KULMIYE dheer yahay axsaabta kale ee tartanku ka dhexeeyo, isaga oo tusaale usoo qaatay tartankii xisbiga dhexdiisa ka dhacay shirkii golaha dhexe ee murrashixiinta lagu dooranayey, waxana uu Ex. Wasiir Cabdicasiis Samaale uga mahadnaqay tartankii uu galay iyo weliba go’aankiisa adag  iyo sida uu midnimada xisbiga u ilaaliyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxyaabaha uu axsaabta kale dheer yahay waxa kamid ah waayo-aragnimada, adkaysiga iyo xallinta khilaafaadka dhexdayada, laba tusaale oo halkan yaalla, ayaana kamid ah, kuwaas oo kala ah, Maayar Saleebaan Xasan Xaddi oo cod lagu beddelay oo isaga iyo maayarkii beddelay fagaare ka wada hadlayaan oo wada shaqaynayaan waa waayo aragnimo aanay xisbiyada kale lahayn, Cabdicasiis iyo aniga oo tartan dheer galnay oo ay axsaabta qaarkood kasoo kici kari waayeen tartamadaas oo kalena waa waayo aragnimo kale, waxana aanu aad ugu mahadnaqaynaa inuu Cabdicasii oggolaaday inuu hankiisii ka laabto oo weliba dhiso xisbigiisa, waana wax dadka inyar laga helaa.”

Dhinaca kalena waxa uu guddoomiyuhu jawaab ka bixiyey dhaqanno saaxadda siyaasadda ku cusub oo uu beryahan dambe lasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas oo ay kamid yihiin safiirro uu xisbigu sheegay inuu waddamada qaarkood u magacaabay,“Curfiga siyaasadda caalamka kama aynaan maqal, kamana mid aha xisbi mucaarad ah oo safiirro magacaaba, waana xaalad ku ugub ah curfiga siyaasiga ah ee caalamka ah oo dhan, xisbiga ay taasi ka suurtowday iyo ninka xisbiga hoggaaminaya ee doonaya inuu dal madaxweyne ka noqdana ee taas garan waayeyna waxan leeyahay waa khalad ka dhacay”ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata uu sharci-darro ku tilmaamay tallaabooyinka uu xisbiga WADDANI ku sheegayo inuu raacdo u gelayo sidii bulshada caalamka ugu keeni lahaayeen waxyaabo ay bulshada reer Somaliland u baahan tahay, waxana uu xusay inay taasi tahay shaqadii xukuumadda umaddu dooratay oo ay  gef ku tahay xisbi aan umaddu wakiilladan, waxana uu yidhi,“Caalamka meelna kama dhacda xisbi mucaarid ah oo odhanaya intaanu dawlado u tagno ayaanu umadda wax usoo weydiinaynaana, waana  aqaan gaabnida curfiga diblomaasiyadda caalamiga ah, dal wal oo adduunka ahna waxa uu la xidhiidhaa oo umaddu doorataa hadba cidda xukunka haysa, taasina waxa aan isleeyahay mala ragga qaar garasho waa kama ahee far kale oo meel kale ka timi oo Somaliland khalkhal gelinaysa mala yaabaa ragga qaarkii inuu taas ka wado, waayo rag aqoontaas garan waayo ma ah, xisbiyada tallaabooyinkaas qaadayna waxan leeyahay kusoo noqda xayndaabka qaran-nimada.”

Waxa kaloo xafladdaasi hadallo ka jeediyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal Axmed Ismaaciil Cabdi, Marwo Safiya Cabdi Nuur oo ku hadlaysay afka Garabka Haweenka ee xisbiga iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood qalbi furan ku qaabilay xildhibaannadan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY