Xisbiga KULMIYE oo shaaciyey in shirweynaha golaha dhexe lagu qaban doono magaaladda Boorama

0
771
hogaanka xisbiga

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xisbiga kulmiye ayaa maanta shaaciyey in shirweynihii golaha dhexe lagu qabanayo magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.

Shirweynaha golaha dhexe ayaa qabsoomi doonna 23/2/2019 illaa 24/2/2019, waxaana kaadh qaadashada xubnaha golaha dhexe la bilaabi doona 10/2/2019, waxaaana lagu dooran doona hogaanka xisbiga.

Inta badan shirweynaha xisbiga kulmiye waxa ka dhasha khilaafyo siyaasadeed oo keentay in xisbiga qaar ka baxaan, taas oo la isku qabto cidda qabanaysa hogaanka oo rag waaweyn oo xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo doonayaan inay hogaanka la wareegaan xisbiga.

Sidoo kale, waxa shirweynahan ku cusub in markii ugu horeysay lagu qabto magaalada Boorama, taas oo dadku is waydiinayaan sababta loola fogaanayo shirweynaha, waxaanay dadka siyaasada falanqeeya tilmaamaya in sababtu tahay in rag waaweyn oo xisbiga ah oo doonaya inay hogaanka noqdaan loo quusgoynayo.

Sidan oo kale, ayaa 2008-kii gudoomiyihii wakhtigaasi ee Axmed Siilaanyo uu shirweynihii xisbiga ku qabsaday magaalada Burco, waxaana wakhtigaasi qaabkii shirkaasi loo qabtay ka cadhooday oo ka baxay xisbiga Siyaasiyiin waaweyn oo uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenkii hore eee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali, waxaana khilaafkaasi waagaasi ka faaiidaystay madaxweynaha hadda Muuse Biixi oo heshiish la galay Axmed Siilaanyo inuu xisbiga ku wareejiyo marka uu madaxweynaha ku guulaysto, taasina waxay keentay in Siilaanyo muddo gaaban ka dib markii uu madaxweynaha noqdo ku wareejiyey Muuse Biixi xisbigii.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here