Xisbiga Erdugan oo mar kale looga guuleystay doorashadii ku celiska aheyd ee Istanbul

0
799
ISTANBUL,(HargeisaPress) —Musharraxa  ka socday xisbiga mucaaradka ah ee CHP ninka la yiraahdo Ekrem Imamoglu ayaa ku guuleystay doorashadii ku celiska aheyd ee maanta ka dhacday Istanbul. Imamoglu oo ah 49 jir oo aanan si wanaagsan loogu aqoon siyaasadda Turkiga, ayaa ka guuleystay musharraxii ka socday xisbiga talada haya ee AK sidoo kalana ah Ra’iisul wasaarihii hore Binali Yildirim oo isagu caawa qirtay in doorashada looga guuleystay.Waa markii labaad oo uu Imamoglu ku guuleysanayo doorashada duqa Istanbul, kaddib markii ay guddiga doorashada diiddeen natiijada doorashadii Istanbul ee 21-ki bishii March.
Sida ay muujineyso natiijada hor-dhaca ah, musharraxa ka socda xisbiga mucaaradka ayaa helay codad dhan 53.86 % halka Yildirim uu helay 45.23. Natiijada doorashadaan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah mustaqbalka madaxweyne Erdugan.

Madaxweyne Erdugan ayaa horay maayar uga soo noqday magaalada Istanbul – waa magaalada xuddunta u ah dhaqanka iyo dhaqaalaha Turkiga, waxaana ku nool 15 milyan oo qof – madaxweynuhuna waxa uu badanaa yiraahdaa “Qofkii ku guulaysta maayarka Istanbul ayaa Turkiga oo dhan ku guulaystay”.

Yaa ku tartamayay xilkan?

Musharraxa doorashada ku guuleystay Mr Imamoglu, waa 49 jir ah, ka tirsan xisbiga Republican People’s Party ahna maayarka degmo ka tirsan Istanbul oo lagu magacaabo Beylikduzu.

Ninka la tartamayay oo uu doorashada ugu guuleystay ee Mr Yildirim ayaa ka mid ah aas aaseyaashii xisbiga Mr Erdogan ee AKP, waxa uuna dalkaas horay uga soo noqday Ra’iisal wasaare intii u dexaysay 2016-kii iyo 2018-kii. Bishii Feberwer ayaa loo doortay afhayeenka baarlamaanka cusub, wixii intaas ka horreeyeyna waxa uu soo noqday wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta.

Ekrem Imamoğlu, mayoral candidate of the main opposition Republican People’s Party (CHP), his wife Dilek and their son Semih cast their ballots at a polling station in Istanbul, Turkey, June 23, 2019. (Reuters Photo)

Waa kuma ninka guuleystay.

Magaca Ekrem Imamoglu aad looma aqoon ka hor intii aanu bishii March isu soo taagin maayarka Istanbul.

Hal ku dhaggii uu doorashada ku galay ayaa ahaa – “Wax kasta waa ay hagaagi doonaan” – odhaahdaas oo hididiilo badan galisay dadweynaha magaalada oo uu saameeyey hoos u dhacii dhaqaalaha ee dalkaas ka dhacay. Markii bishii March la go’aamiyey in doorashada dib loogu celiyo ayaa Mr Imamoglu waxa uu taageero yaashiisa u sheegay “mar kale ayaan guulaysan doonnaa oo aan xuquuqdeenna soo ceshan doonnaa annagoo faraxsan.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY