Xildhibaano Reer Awdal Ah Oo Madaxweynaha U Diray Farriin Ku Saabsan Saami Qaybsiga

0
1175

Hargeysa , (HargeisaPress) — Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good iyo Xildhibaan Xasan Muuse Hufane, oo ah ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada, ee ilaa hadda xalka aan laga gaadhin, waxayna soo jeediyeen in sida ugu dhakhsaha badan xal looga gaadho.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good iyo Xildhibaan Xasan Muuse Hufane, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Abubakar wuxuu yidhi “Madaxweynuhu waa kii hore uga hadli jiray saami qaybsiga, waana kii hore u yidhi xaq maaha in Doorashada Wakiilada sidan lagu galo, imikana waa inuu fuliyo qawlkii uu umadda u balanqaaday,balse waa in aan laga meeraysan arinta saami qaybsiga, xaqna maaha in Doorashada sidii hore lagu galo, ee waa in saami qaybsi la sameeya, Madaxweynuhuna maaha inuu ka meeraysto”.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo isna arintan saami qaybsiga ka hadlaya ayaa yidhi “Waagii Daahir Rayaale waxa lagu heshiiyey, oo Maxkamadu tidhi markan ha lagu galo Doorashada bilaa saami, balse Doorashada dambe ha la saxo saamiga, oo ha la qabto Diiwaangelin guud, oo dadka iyo dalka ha lagu saleeyo, ilaa haddana diiwaangelintii may dhicin, Gobolka Awdal laba qabiil baa dega, oo laba qabiil oo waaweyn oo ka tirsan Somaliland baa dega, 13 xubnoodna kuraasta Wakiilada wey ku leeyihiin, anigu Xildhibaan ahaan si shakhsiyana waxaan u taageersan nahay in Doorashada wakhtigeedii la qabto, arinta saami qaybsigana la saxo, maanta beeshii dhexe waxay leedahay 58 xildhibaan, 24 xildhibaana waa beelihii oo kale oo dhan, marka in wixii khaldan dib loogu noqdo oo la saxo ayaa haboon, Madaxweynaha ayaana sixi kara, oo looga fadhiya,ee waa inuu Madaxweynuhu ku dhac sameeya, ama Dastuurka ha furo, ama Gobolo kale wax ha ka jaro ee waa inuu keenaa saami sax ah, hore waxa loo diray Guddida Arrimaha Guddaha ee Golaha Wakiilada,Gobolada dalka oo dhan wey tageen, weyna soo mareen, Gobol walba wuxuu yidhi aniga ayey igu yar tahay, waagii hore Daahir Rayaale cadaadiis ayuu ku saaray Gobolka Awdal in Doorashada bilaa saami lagu galo, ee maantana Madaxweynaha ayaa looga fadhiyaa inuu xal deg deg ah ka gaadho arinka saami qaybsiga, si Doorashadu wakhtigeeda ugu dhacdo”.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane mar uu ka hadlaayey Xukuumadda  Madaxweyne  Muuse Biixi iyo tirada Masuuliyiinta uu ilaa hadda magacaabay ayaa yidhi “Madaxweynaha waxa laga filaayey inuu si siman oo cadaalada ah xilalka qaranka iyo Xukuumaddiisa ugu magacaabo deegaanada kala duwan ee Somaliland, ilaa haddana tiradda uu Xukuumaddiisa Madaxweynuhu ka siiyey Awdal aad bay u yar tahay, laakiin saamigaas Awdal wali waa laga sugayaa,Madaxweynaha waxa looga baahan yahay isku dheeli tiri iyo cadaalad ku saleeysan xilalka Xukuumaddiisa, mana haboona inuu deegaanada Somaliland u kala hiiliyo, oo deegaanada qaarna uu siiyo xilal aad u badan, deegaanada qaarna uu ku yareeyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here