Xildhibaano Golaha Wakiillada Ka Tirsan Oo Qayrul Sharci Ku Tilmaamay Lacagta Uu Wasiirka Maaliyaddu Ku Soo Rogay Gaadiidka, Sheegayna Inay Deg Deg Golaha U Horkeenayaan

0
1056

Hargeysa, (HargeisaPress) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci daro ku tilmaamay Lacagta uu Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi  ku soo rogay Gaadiidlayda ee uu ku iibinayo Lambarada Cusub ee Gaadiidka loo sameeyay, waxa ay Xildhibaanadani nidar ku galeen inay Wasiirkaasi Golaha Horkeenayaan islamarkaana ay wax ka waydiinayaan arintaasi,waxa kale oo ay Madaxweyanaha ugu baaqeen inuu ka dhabeeyo balantii uu Ololaha ku soo galay ee ahayd inuu sharciga saraysiinayo.

Ugu horayn Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka tirsan Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo ka hadlay Waraysi khaas ah oo ay Xildhibaanadani siiyeen Wariye Xasan Galaydh oo ka mid ah Bahda Horn Cable Tv ayaa waxa uu yidhi “Arinkaa imika jira wax baarlamaanka la hor keenay oo Cashuur kordhin ahi majirto, cashuur ama takaaliif la kordhiyay oo aan Golaha hor imanina waa baadil, mana soconayso, Waxaanan leeyahay aad loogama fikirin maanta Dalkeen Dhaqaale Xumo baahsan ayaa ka jirta, Dhibaatooyin faro badan ayaa kajira, Haddii la kordhinayo Cashuurta  ama Takaaliif la saarayo shicib in la eego xaalada dalka, waxan ma qaadi karaan mise ma qaadi karaan weeyaan marka hore,waayo dastuurka ayaaba muujinaya haddaanu dan u ahayn inaan dadka Culays la saarin, waxaanan u arkaa inaanay imika Dan shicibka u ahayn”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Goluhu Imika Fasax ayuu kujiraa anigu waxaan ka mid ahay Gudida joogtada ah, waxaanu leenahay shirka ugu horeeya Salaasada, dooda waxaan horgayn doonaa Gudida Joogtada ahi iyada ayaa wakiil ka ah, Gole waynahana iyadda ayaa wakiil ka ah, Waxaan horgayn doonaa Gudida Joogtada ah, waananu falanqayn doonaa, waxaanan rajaynayaa inaanu Qoraal u samayno oo Wasiirka aanu uga yeedhno Golaha, oo wax laga waydiiyo waxani siday sharci u yihiin, iyo waxan miyay shicibku qaadi karaan, iyo waxa kalifayba waanu waydiin doonaa,oo aanu Golaha Hortiisa ku waydiin doonaa Insha Allah”.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Diiriye Nac Nac oo ka tirsan Gudida dhaqaalaha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa isna si adag uga hadlay Lacagta Lambarada Cusub ee Gaadiidka waxaana uu yidhi: “Waxaanu doonaynaa inaan ka hadalno wax dadkaba  kaga wada qaylisiiyay oo ah taariikooyinkan Wasiirka maaliyaddu yidhi sharci ayaan u leeyahay waxaanu doonaynaa inaanu nidhaahno waa sharci daro, Xaq uma lihid, haddii Tacriifad la kordhinayo anaga ayaa xaq u leh in la kordhiyo, Dadkan sicir bararku ragaadiyay ee wax walba la yaabsan maantana haddii la yidhaah Taarikooyinkii ayaa la kordhiyay yeeli mayno, baarlamaankana waanu gaynaynaa, Gudidii Dhaqaalaha ayaanu nahay”.

Sidoo kale Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan Gudida Dhaqaalah Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag u naqdiyay Lacagta Wasaaraddu ku soo rogtay Gaadiidka Dalka, waxaana uu yidhi: “Anagu waxaanu Gole ahaan leenahay oo Gudi ahaan leenahay ma qaadi  karno, Wax alaale wixii Tacriifad ku saabsan ama Takaaliif ah ee Xukuumaddu soo rogayso Golahan Wakiiladda oo Keli ah ayaa sharci u leh inuu jideeyo, waa arin dastuuri ah, xiitaa arin xeer ah maaha, Subax qudha intuu wasiir iska soo tooso inuu yidhaaho lacagtii intaasi ayaan ku darsaday waa qayrul dastuuri, Anigu Xildhibaan Kulmiye ah ayaan ahay, Waxa uu ahaa Arintii ugu waynayd ee aanu Umadda kaga iibinayay Madaxweynaha Inuu ku dhaqanka Sharciga adkaynayo,Madaxweyne Sharciga halagu dhaqmo, Wasiirku wareegtadan uu soo saaray waa qayrul dastuuri waa qayrul Sharci”. Ayuu yidhi Xildhibaanku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here