Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo guddoomiye ku-meel-gaadha ah doortay

0
975
Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland

Garoowe, (HargeisaPress) —Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland oo maanta la dhaariyay munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe  ayaa markiiba iska dhax-doortay guddoomiye ku-meel-gaar ah.

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee dowlad gobolleedka Puntland ayaa noqonaya xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da’da weyn mudanayaasha cusub ee baarlamaanka.

Golaha  oo ka kooban 66 xildhibaan ayaa waxaa ka mid ah hal qof uu dumar ah oo kaliya, iyadoo 65  ka kale ee soo hadhay yihiin rag, mas’uuliyiin kala duwan oo saakay khudbado u jeediyay Baarlamanka ayaa  kula dardaarmay in aysan ka been-sheegin Kitaabkii ay ku dhaarteen,islamarkaana ay adkeeyan ammaanada loo dhiibtay.

Sidoo kale golaha ayaa looga digay in ay laaluush ku shaqeeyaan iyo in ay shilimaad ku iibsadan masiirka umadda ee lagu aaminay.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here