Xildhibaanadii U Codeeyey Murrashax Cabdiraxmaan Talyanle Oo Goordhawayd Warbaahinta La Hadlay Kana Dhawaajiyay Arrin Xasaasi Ah Oo Ku Saabsan Baashe Maxamed Faarax

0
1001
Labada gale

Hargeysa, (HargeisaPress) —Laba xildhibaan oo kamid ah xildhibaanadii u codeeyey Cabdiraxmaan Talyanle ayaa caawa warbaahinta la hadlay,waxaana ay ka dhawaajiyeen in Baashe Maxamed Faarax uu diiday ergo kaste oo u tagta oo wada dhexdhexaadin lagu xalinayo khilaafka  golaha wakiilada ka taagan,kuwaas oo uu ugu danbeeyey gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland uu ergo ugu tagay Baashe Balse uu diiday.

Waxaana  xildhibaanadani ay arrinkan golaha dusha u saareen wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,iyaga oo ka digay in goluhu bari uu furmo,kuna hanjabay in waxii  ka dhaca golahaasi uu masuul ka yahay Baashe Maxamed Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here