Xildhibaanadii U Codeeyey Baashe Maxamed Faarax Oo Ka Hadlay Doorashadii Ka Dhacday Golaha Eedaymona Usoo Jeediyey Garabkii Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle

0
1755
Labada gale

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaanada xisbiga KULMIYE ugu jira baarlamaanka Somaliland isla markaana ahaa xildhibaanadii codka siiyay gudoomiyaha sharcinimadiisa lagu murasan yahay ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faaraxx ayaa markii u horeysa maanta ka hadlay doorashadii ka dhascday golaha iyo go’aankii ay maxkamadda saree e Somaliland kasoosaartay khilaafkii golaha wakiilada Somaliland ka qarxay.

Xildhibaanadan xisbigan KULMIYE ayaa waxay garabka xildhibaanada taabacsan Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle waxay ku eedeeyeen inay kasoo horjeedaan go’aankii ay maxkamaddu kasoo saartay khilaafka iyo in labada dhinac ay furaan wada hadal ay ku xalinayaan khilaafkooda,sidoo kalena waxay jawaab ka bixiyeen hadalo kasoo yeedhay masuuliyin xisbiga WAddaNi ka tirsan.

Xildhibaanadan maanta hadlay ayaa waxay kala ahaayeen xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige Balaaki, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi,Xildhibaan Faarax Maxamed Iyo Barkhad Obsiiye,waxaanay carabka ku dhufteen inay dhankooad diyaar u yihiin inay wada hadal la iskugu yimaado,waxaana iyaga oo arrimahaasi ka hadlay hadaladoodii kamid ahaa.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY