Xildhibaanada guurtida iyo Golaha deegaanka ee kasoo jeeda Beelaha Akisho ee Somaliland oo Hambalyo udiraya Gudoomiyaha Xisbiga Somali Ethopia Ahmed shide iyo Madaxweynaha Cusub ee Mustafe Muxumed cumar

1
2400

Hargaysa(Hargeisapress) Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Akisho ee Somaliland oo Hambalyo udiraya Gudoomiyaha Xisbiga Somali Ethopia Ahmed shide iyo Madaxweynaha Cusub ee Mustafe Muxumed cumar.

Xildhibaanka guud ee guurtida xil Abdikarin sh Cumar ahmed furre oo ka hadlaya arintaasi waa kan ” Hambalyo Gudoomiyaha Da’da yar ahna wasiirka warfaafinta federalka ethopia waxaan kuugu hambalyaynayaa guulaha diblomaasiyadeed iyo daganaanshaha aad kusoo afjartay dhibaatadii gobolka ka dhacday, Madaxweyne kuxigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Mustafee hambalyo alle xilka hakuu fududeeyo,waxaan ilaahay idinka baryayaa inaad dadka walaalaha ee mesha dagan midaysaan somaalinimadda dib unoolaysaan,waxaan sidoo kale ilaahay idiinka baryayaa in xilkaa alle idiin fududeeyo walaalaha soomaali iyo orromo aad isu soo dhawaysaan,ka wadan ahaana waxaan idiinka rajaynaynaa in aad danta labada wadan ee somaliland iyo Ethopia sii xoojisaan dhinac dhaqaale iyo dhinac jaarnimabba, waxaan furssadan uga faaidaysanayaa hambalyada Shirwaynaha Beesha Akishe/Gurre in wanaaga iyo walaaltinimadda deegaanka ku sii adkaysaan inta baahana aad ugu gargaartaan caafimaadka waxbarashada hadii alle idmo”

Xildhibaanka guud ee Gollaha deegaanka gobalka gabilay Mahdi Mohamed xaashi oo isna ka hadlay arinkaas waa kan “Hambalyo Gudoomiyaha Da’da yar ahna wasiirka warfaafinta federalka ethopia waxaan kuugu hambalyaynayaa guulaha diblomaasiyadeed iyo daganaanshaha aad kusoo afjartay dhibaatadii gobolka ka dhacday,  geesinimadda aad ku goaan qaadateen in isbedelka shacabka aad raacdaan,Madaxweyne kuxigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Mustafee hambalyo alle xilka hakuu fududeeyo, Ameeeeen Ameen

 

Hargeisapress Hargaysa office

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here