Xildhibaanada Golaha Guurtida Oo Maanta Dood Adag Ka Yeeshay Xeerka Hay’adda Tayada Soona Jeediyay In Qodobo Ka Mid Ah La Badalo

0
770

Hargeysa, (HargeisaPress) — Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida somaliland oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Guurtida siciid jaamac Cali Ayaa Mudanayaashu Dood Adag ka yesheen Xeerka Haay’adda ilaalinta Tayada oo Maal-mahanba Horyaala fadhiga Golaha.

Xildhibaanada Fadhiga ka Soo Xaadiray ayaa isku raacay in dhamaan la badalo Qodob Badan oo Awood Siinaya Haay’ada tayada sida qodobka 36 oo sheegaya in Shaqaalaha Haay’adda Lasiiyo Laaluush Ay ku Kafeeyaan Nolol Maal-meedkooda.

waxaana ay soo jeediyeen in loo yeedho Masuuliyiinta Haay’ada Uu Xeerkani khuseeyo si wax looga waydiiyo Xeerkani Iyo qodob ku jira,iyaga oo soo jeediyeen in Gudi Madax Banaan loo Saaro.

Ugu Horayn Xildhibaan Maxamed Jaamac Abokor ayaa isaga oo ka hadlaya Xeerkani Faa’idada ugu Fadhiyo Dalka yidhi.

 “Waxa muhiim Ah in aynu Fahano Sida Loo Aas-aasay iyo Ujeeda Laga Leeyahay Xeerka Tayada,Dalkan Waxa soo Gala Alaab Badan oo ay kamid Tahay Dawooyinku iyo Cuntada oo dhamaan wixii Bil-aadan isticmaalayay Ay ka Mid Yihiin,tayadood silo Helo Agaabkaas Laga soo dajinayo Caalamka waxa Wanaagsan Marka Hore in ay jiraan Qalabkii Lagu baadhayay,Hadana Xeerkan Kuma Qorna In Meelo Lagu Baadho ay jiraan.waxa uu sheegay Xildhibaan Maxamed Jaamac Abokor(ilkacase)in Xeerkan u Baahan yahay in Qodobo ka Mid Ah La Badalo sida qodobka 36,39,41.42 oo u baahan sida uu sheegay xildhibaanku in La isku Badalo.

“Qodobka 36 waxa weeyaan in Wax ka badal Badan lagu sameeyo Maxaa yeelay waxa uu jidaynayaa In ay Gudida Tayadu Qaadato Laaluush oo lagu maal Galinayo Hawl Maalmeedka Gudida Tayada,Markaas qodobkaas Badal ayuu u baahan yahay ileen May sheegin Meel Lagaynayo Lacagta Ay qaadayaane,waxaann leeyahay Miisaaniyada miyaanay Lahayn Haay’adu Ay ku Maal Galiso Shaqaalaheeda.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Abokor(ilkacase) waxa uu sheegay in Qofkasta oo Ganacsade Ah Ay Haay’adu ka Doonayso Lacag U dhigantay boqolkiiba 0.4,hadii uu Bixin Waayana ku kordhi Doonto sida uu sheegay Boqolkiiba Todob oo ganaax Ah waxaana uu yidhi.

“Markaas waxaanu leenahay Arinkani maaha Mid Dadka qabanaya Maaha,waa Mid ka baxsan Miisaaniyada,waa Mid ka baxsan ilihii dhaqaalaha iyo nidaamkii ay dalka ku soo galayeen wax ku soo kordha,qodobka Kale ee 41tanaadna waxa uu leeyahay Khaladka ay haayadani Gasho Lagu qaadi Maayo,Golaha waxaan leeyahay Xeerarkan Halaga Fiirsado oo qodobada ku jira wax ka badal halagu sameeyo Gudina Haloo saaro.

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa sheegay In cashuuraha ay Soo rogayso Haay’adda Tayadu ay tahay Mid Khalad Ah oo sida uu sheegay lamoodo Wasaaradii Maaliyada,waxaana uu ka dayriyay Qodob Badan oo uu sheegay in Loo baahan yahay in Dhamaan Wax ka badal Lagu sameeyo.

“Marka Dhinacaas loo eego Albaab Dhibaato Ah ayuu Furayaa Xeerkani Hadaan Laga Fiirsan,Qodoba 39 Farqadiisa 3aad 2aad am Qodobkaasiba waxa uu leeyahay qofka Ganacsadaha ah Xanibaada Hantidiisa waxa ugu yar Shan sanadood iyo Am Hantidiisa oo lala wareego,markaas waxaanu leenahay Arimahaas oo dhami Mabanaana qaybo Badan oo Arimihii Garsoorka ayuu Qayb Ka qaadanayaa,waxaana uu sheegay in qodobka 41tanaad loo baahan yahay in gabigiisaba laga saaro.

Dhamaan Xildhibaanadii Dooda ka qaatay Fadhiga golaha Guurtida somaliland ayaa dhamaan soo jeediyay in Xeerka Haay’adda Tayada wax badan laga qabto,iyaga oo iftiimiyay inuu Awoodo Badan Siinayo Haay’adda Tayada.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha Ku xigeenka 1aad ee golaha Guurtida oo fadhigan Guddoominayay Ayaa sheegay in Xeerkan Lagu wareejiyay Gudida Arimaha Bulshada si Ay Wax ka badal ugu samayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here