Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Eedayma Kulul Ujeediyay Xukuumada Siilaanyo

0
970

Xildhibaan Siciid Cilmi RoobleHargeysa,  (HargeisaPress) — Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mida mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa eedaymo kulul u soo jeediyey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,Waxaana uu sheegay in Xukuumada Siilaanyo ay marin habaabisay qaranimadii Somaliland,isaga oo carabka ku dhuftay in marwalba dano dhaqaale ay ku raadsato wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya ee ka socda dalka Turkiga.waxaana uu ugu baaqay guud ahaanba shacbiga reer Somaliland in aanay siinin wax cod ah Xukuumada hada talada haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Xildhibaan  Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah Xildhibaanda ugu cad cad Aqalka Golaha Wakiilada  ee ugu jira  Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE balse si aada u dhaliila hanaanka ay ku socoto Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Geeska Afrika waxaa uu si adag uga hadley xaalada hadda ka taagan deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ee dhinaca waqooyi ka xiga Magaalada Burco oo muran dhinaca dhulka ah ay isku hayeen laba beelood oo walaalo ah,waxaana uu sheegay in go’aankii ay halkaasi ka soo saartay Xukuumada Siilaanyo uu ahaa mid sharci darro ah,isaga oo carabka ku dhuftay in dadka deegaankaasi dagan ay dhulkaasi hore u lahaayeen muddo ka badan 300 oo sano ka hor,maantana ay nasiib darro ay tahay in tuulooyin yar yar oo intii dalka dib loogu soo noqday la dhisay awgeed loo baabiiyo magaalo qarniyo hore u soo jirtey. “Waxaan jecelahay in aan ka hadlo arrinta Waqooyiga Burco ee muddooyinkanba imika jirtay oo runtii aanu islahayn waxaa laga gaadhayaa xal waara, hasayeeshee illaa imika rafanaysa,waxaa aanu nahay dad wada dhashay oo halkaa wada yaala. Anigu Xildhibaankii Deegaankaa Laftiisa dhibaatadaasi ka dhacdey baan ahaa,codka dadkii I siiyey ayaa ay ka mid ahaayeen dadka halkaasi daga ee deegaankaasi,waxaan ka cudur daaranayaa gaabiska runtii oo aniga oo hawla badan oo aan ku jiray darteed ah,hasayeeshee hawsha waan la socday oo  wararka waanu kala heli jirney ,waxaan aad iyo aad uga xumahay horta beeshaasi waxaa ay ka mid tahay beelihii boqolkiiba boqol codka siiyey Siilaanyo,nasiib darrada haysata maamulkan Siilaanyo waxa weeye in uu, wax Allaale iyo waxii codka siiyey ayaa uu ugu daran yahay, wax Allaale iyo waxii ka soo horjeedayna waa u nasteex,D iintu ma qoreyso sidaas Akhlaaqiyaadkuna ma qorayso, Aadam nimaduna ma qorayso,waana wax la yaableh weeye oo mucjiso ah,markaa waxaan uga digayaa umadda reer Somaliland in aan Xukuumada Siilaanyo Mar danbe codka la siinin ileyn sidaas ayaa uun ku dhacaysee, mar danbe in aan maamulkaa Siilaanyo la siinin codka ayaan dhawaaq dheer,ku sare iyo ku hooseba aan umadda reer Somaliland aan u sheegayaa,waayo waxaa aad mutaysanaysaa halka aad abaal gud ka mutaysan lahayd ciqaab ayaad ka mutaysanaysaa”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo hadalkiisa Sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay ayaan darro ay tahay in Madaxweyne Siilaanyo uu noqdo Madaxweynihii ugu horeeyey madaxweynayaasha Somaliland ee ka adkaan kari waaya beeshiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay in meel kasta oo beesha Madaxweyne Siilaanyo ay doonto tikniko la galinaayo si ay u helaan lahaan shiyahah dhulkaasi waxaana uu yidhi: “Waxaa kale oo aan la yaabanahay waxa weeye Baligan 300 oo Sanadood ka hor ayaa uu jirey,bali waqafa ayaa uu ahaa,tuulooyinkan imika hareeraha ka xiga ee imika la sharciyeynayaa waa tuulooyin shalay ah gabi goodubana waa intii dalka la soo galay weeye oo intii la soo galay ayuunbaa Tuulooyinkan la sharciyeeyeynayaa abuurmeen kanina 300 oo Sanadood ayaa uu jirey markii ay reer Sheekh Isaxaaq ka soo baxeen Xeebaha dalka dee Baraago may jirin,umaddu dee baliyaashaas ayaa ay samayn jirta, Baliyaashaas ayaa deedna waqaf ahaan jirey oo laga cabi jirey,waxaan la yaabahay waxii 300 ee Sano ka hor jirey in la tir tiro kuwii shaley abuur mayna in la sharciyeeyo.waa cadaalada darro weeye qabyaalad cad weeye arrin runtii lala yaabo weeye.mida kale waxaan la sii yaabahay gobal dhan oo togdheer la yidhaahdo ayaa jira umadd dhan ayaa ku nool waa ay garanayaan Odayaal badan ayaa ay leeyihiin,Guurtibaa ay leeyihiin,Waayeel ayaa ay leeyihiin oo arrimaha caynkaas oo kale ah dee ay khilaafaadka dadka wada yaala dhex mara Gobalka iyo Dagmada ayaa ku shaqo leh,laakiin Meesha Kalshaale ayaa laga dhigay,Tigniko ayaa lagaliyey Waxaana nasiib darro ah in Madaxweyne Siilaanyo uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Beeshiisa ka adkaan waayey oo Meel Allaale iyo meeshii Beesha Siilaanyo ku shaqa leedahayba dhibaa inaga haysatoo dee Tigniko ayuunbaa la galinayaa,markaa waxaan leeyahay halkaas waxaan uga digayaa dee Xukuumadu in ay arrintaas ay faraha kala baxdo,dadka deegaanka ah loo daayo waxii la gudbiyey iyo dhaawacii halkaas lag gaystay magdhaw buuxa laga bixiyo,Baligaa iyo Umaddaana xor looga dhigo waxii magaaladoodana ay dhistaan xaqbaa ay u leeyihiine,magaaladaasina magaalo la baa’biinayaa ma jirto haddii tawraad iyo Injiilba la akhriyo wax baaba’aya maaha waayo cadaalad maaha ugu danbayntii arrinkaasi waxaan ka tacsiyeynayaa dulmigaa lagu galay .

Ugu danbayntiina Siciid Cilmi rooble waxaa uu ugu baaqay in shacbiga reer Somaliland ay Xisbi qudha ay isagu yimaadaan si baa uu yidhi xukunka looga tuuro Xukuumada Xisbiga KULMIYE ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Siilaanyo. “Waxaanan leeyahay muddo gaaban baa u hadhay nidaamkan Sagaal Bilood baa u hadhay gacan teena ayaa aynu maanta isku canaanaynaa mar danbe yeynaan gacanteena isku canaanan,waxaa aynu dooran doonaa mid dadka u dhax ah oo Umadda u wada wanaagsan oo aan hadhawto odhan doonin kana I xiga ee kuwa kale caga cagaf mari ayeynu dooran doona,waxaa aynu baraney sida wax loo rido iyo sida wax loo soo saaraba waxaan leeyahay inyar ayaa inoo hadhay oo waa aynu adkaysanaynaa,taana kama yeelayno oo waxa weeye go’aan ay umaddu leedahay oo ay sida oo kale inala qaadatay waana wax Illaahay inaga aqbalaayo, 300-boqol oo sanadood horteed in deegaanka awood dawladeed laynagaga qaadaa waa xaaraan,Afweynaa baabiin lahaa oo qaadan lahaa Somaliland guud ahaana waxaan leeyahay umadda shacabka reer Somaliland waar umadeena ilaa shada,Dawladeenii kalsoonidii aynu ku siinay codka laga waa waxa weeye wax kale ayaa ay wada ilaa maanta waa taa Hargeysa UN-kii ay ku soo celiyeen ninkii aad ogaydeen,waxa allaale iyo wax lagu heshiiyey garan mayno,wax allaale iyo wax wada hadaladii Xamar lala galay ee Koonfur illaa imika waxba laynoogama sheegin dhaqaale ayaa uun la raad sanayaa Qaranimadii socotay,waxaan leeyahay hala isu tago oo aan soo jeedinayaa meel halaysagu tago Xisbi qudha halaysagu tago yaan lakala biiq biiqin KULMIYE-na dhulka hala la eegto iyo Maamulka Siilaanyo taas ayaanan ugu baaqayaa umada reer Somaliland”.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY