Xildhibaan Nacnac oo ku Taliyey in Muuse Biixi Magacaabo Da’yar la Mid ah Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

0
2015
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Xildhibaanka oo sheegay in aanay Golaha Wakiilladu ansixin doonin haddii Madaxweynaha cusub soo magacaabo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee hadda jooga

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa talooyin muhiim ah u soo jeediyey Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay ka mid tahay in aannu dib u soo magacaabin xubnaha golaha wasiirrada ee hadda xilalka haya.

Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa maanta, waxa uu Madaxweynaha cusub ee  loo doortay Md. Muuse Biixi Cabdi kula taliyey inuu soo magacaabo xubno aqoonyanno dhiig cusub ah oo wax ka qaban kara ballanqaadyadii uu ololaha ku galay, isla markaana ka shaqayn kara horumarka dalka, isagoo tusaale u soo qaatay inuu soo magacaabo xubno la mid ah Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) oo uu xusay inuu horumar sameeyey muddada uu xilka hayey.

“Walaahi mujaahidka Madaxweynuhu Md.  Muuse Biixi Cabdi ilaa hadda aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay, waxaan kula talin lahaa dhiig cusub ayaa loo baahan yahay oo dhallinyaro ah oo nimankii wasiirrada ahaan jiray ee aynu garaneyno ee dhiig-miiratada ahaa waa dhiig miirato ayey ahaayeen waa in aanu madaxweynuhu kuwaas waxba inagaga soo celinin. Anigu inanta Samsam (Wasiirka Maaliyadda) la hadh ayaan odhan lahaa oo Samsam na dooni maayo ayey tidhi (xilka wasiirnimo), waa in Madaxweynuhu uu dhallinyar 25 jir ah oo yarka Sharmarke Geelle (Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda) oo kale oo waddanka u shaqaynaya waa in uu keeno meesha oo aanu qabiil u kala eegin oo sida uu Madaxweyne Muuse Biixi sheegay waa runtii ee haddii qabiil qudha la wada siiyo 40-ka ama 30-ba qaar ayuumba qatan,” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

Waxa kaloo uu sheegay in aanay Golaha Wakiilladu ansixin doonin haddii xukuumadda cusub lagu soo daro hal wasiir oo ka mid ah Golaha Wasiirrada ee hadda xilka haya;  “Waxaan kula talin lahaa aniga oo golaha Xildhibaanada Baarlamaanka ka mid ah haddii uu Madaxweynaha cusub dawladda uu soo dhisayo uu kuwii hore ee Wasiirrada ahaa soo celiyo ansixin mayno ee ha ogaado kuwii hore imminkaba ansixin mayno haddii mid kaliya laga soo celiyo ma ansixinayno ayaanu leenahay,” ayuu yidhi Md. Axmed Maxamed Diiriye Nacnac.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here