Xildhibaan Mubaarig Bidhi Iyo Xildhibaan Nuux Maxamed Oo La Filayo Inay Is Casilaan Iyo Khilaaf Soo Kale Dhexgalay Xisbiga Kulmiye Ee Togdheer

0
1087
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi)

Burco, (HargeisaPress) —Khilaaf Adag Ayaa La Sheegay In Caawa U Ka Dhex Aloosmay Gudida Kaanbaynka Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Ay Ka Mid Yihiin Xildhibaan Mubaarig Bidhi Iyo Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen,

Khilaafkani Ayaa Ka Dhashay Ka Dib Markii Masuuliyinta Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer U Diyaargarobayay In Maalinta Bari Ah Ay Cududooda Tageero Ku Soo Bandhigaan Fagaraha Khayriyada Burco Oo U Goob Joog Yahay Madaxwaynaha Somaliland Iyo Xubno Ka Mida Wasiirada Xukumada,

Khilaafkan Ayaa Sababay Inay Cadho Kaga Baxaan Goobta Masuuliyin Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Ay Ugu Horayaan Xildhibaan Mubaarig Bidhi Iyo Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Oo Ahaa Shaqsiyaad Maalmihii Udanbeeyay Gardaadinayay  Geedi Socodka Iyo Guulaha Xisbiga Kulmiye Kasoo Hoyay Deeganada Teedsan Gobolka Togdheer,

Xildhibanadan Oo La Sheegay Inay Damacsan Yihiin Inay Gabi Ahaanba Ka Huleelaan Xisbiga Kulmiye Iskana iska casilaan Xilalka Kale Duwan Ee Ay Ka Ka Hayaan Xisbiga Taasi Oo Noqanaysa Khilaaf Saamayn Togan Ku Yeesha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Oo Hada Lagu Jiro Xilo Olale Oo Xasaasiya,

Masuuliyintani Oo Aan Khadka Tilifoonka Isku Daynay Inaan Kale Xidhiidhno Ayaan Noo Suurta Galin,Taasi Oo Keentay Inay Xidhnayeen Mobiladooda Gacanta,Marka Laga Tago Xubno Goob Joog Ahaa U Xaqiijayay Warbaahinta In U Soo Kale Dhexgalay Khilaafkani  Qaar Ka Mida Masuuliynta Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Iyo Xildhibanadai Isla Markaana Ay Damacsan Yihiin Xildhibanadani Inay Is Casilaan Kuna Biraan Xisbiga Wadani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here