Xildhibaan Maraykan Ah Oo Walaac Ka Muujiyay Jihada Ay U Socoto Soomaaliya, Kana Horyimid Caydhinta Ergayga Qaramada Midoobay

0
1068
Xildhibaan Eliot L. Engel, oo ka tirsan aqalka Baarlamaanka Maraykanka

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Eliot L. Engel, oo ka tirsan aqalka Baarlamaanka Maraykanka, ayaa walaac ka muujiyay jihada ay ku socoto dawladda Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu ka xunyahay sida uu yahay xaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Eliot oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa wuxuu ka horyimid go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku caydhisay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom. “Iyadoo ay jiraan xaalado dawladeed oo sii xumaanaya iyo dagaalka joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, Caydhinta ergayga Nicholas Haysom waxay sii kordhisay walaaca aan ka qabo jihada ay ku socoto Soomaaliya.” Sidaas ayuu xildhibaan Eliot ku yidhi qoraal kooban oo uu geliyay barta uu aqalka wakiilada ee Maraykanku ku leeyahay twitterka.

Qoraalkan kooban ee uu xildhibaan Eliot baahiyay wuxuu tilmaan u yahay sida uu Baarlamaanka Maraykanku u arko xaaladda Soomaaliya iyo dawladda Maxamed Farmaajo.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here