Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Somalia oo lagu Toogtay Muqdisho iyo Madaxda Somali oo Cambaareeyay

0
1150

Sheekh AadanMUQDISHO,(HargeisaPress) — Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Mad-deer oo ka tirsanaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kooxo hubeysani ku toogteen degmaada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa toogtay xildhibaanka isagoo kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaaddii Jimcaha, iyadoo la sheegay in kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Sheekh Aadan Mad-deer ayaa wuxuu noqonayaa xildhibaankii shanaad oo sannadkan lagu dilo magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo laba toddobaad ka hor lagu dilay Muqdisho xildhibaanad Saado Cali oo ka mid ahay xildhibaannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka.

“Allaha u naxariistee xildhibaanka waxaa toogtay saddex nin oo bastoolado ku hubeysan, waxaana lagu dilay agagaarka masaajidka Afar irdoonka mar uu kasoo baxay salaaddii Jimcaha ee maanta,” ayuu ydhii xildhibaan Sidoow Abaadir oo ka tirsan baarlamaanka.

Hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay xildhibaanka, iyadoo horay ay Al-shabaab ugu gooddisay inay beegsan doonto xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa wuxuu ahaa guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo soo noqday wasiirkii maaliyadda intii ay jirtay xukuumaddii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa C/weli Maxamed Cali (Gaaas).

Taallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xildhibannada golaha baarlamaanka Soomaaliya ay dhawaanahan ka cabanayeen ammaan-xumo ku haysata magaalada Muqdisho.

Geesta kale Madaxweynaha Somalia, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dilkii maanta ay kooxo ka tirsan Al-shabaab ugu geysteen degmda Xamar-weyne ee gobolka Banaadir xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer oo ka mid ahaa xubnaha baarlamaanka Somalia, iyagoo xusay in dilkaan uu ku dhiirri-gelinaya dowladda dagaalka ay kula jarto Al-shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yidhi: “Xildhibaanku wuxuu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu ahaa nin aad u jecel dowladnimadda.”

Sido kale, ra’iisul wasaare, C/weli Sh. Axmed ayaa sheegay in dilka xildhibaanka uu yahay mid loo geystay shacabka Soomaaliyeed oo dhan, isagoo Al-shabaab ku eedeeyay inay dil u geystaan shacabka iyo xubnaha dowladda.

“Dilka xildhibaanku wuxuu ka mid yahay falalka ay nabad-diidku u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda. Waxaana naga go’an inaan xoojinnno horumarada laga gaaray isku xirnaanta shacabka iyo waaxyaha amniga ee liddiga ku ah nabad-diidka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo ku sugan dalka Norway ayaa isna dilka xildhibaan Mad-deer ku tilmaamay mid lagu dhibaateynayo dadka Soomaaliyeed oo dhan.

“Sheekh Aadan Mad-deer waxaa la dilay xili uu soo gutay waajibkii uu Alle saaray, isagoo kasoo baxay salaadii Jimcaha, waxaa dishay gacan ka xaq-daran, kuwii dilay iyagaa dhib-qaba adduun iyo aakhiraba, cawaaqibka ka dhalan kara inaad disho qof muslim ah oo Alle cibaadadiisa u taagan waan wada ognahay, Alle ayaa mudankooda marsiin doona insha Allah. Hay’adaha ammaankana waxaa waajib ku ah inay cadaalladda hor-keenaan kooxihii ka dambeeyay falkaas foosha xun,” ayuu yidhi Jawaari.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here