Xildhibaan Ibraahim Axmed oo Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ka Difaacay Eedaymo ay Usoo Jediyeen Xisbiga Wadan

0
889
Xildhibaan Ibraahim Axmed
Xildhibaan Ibraahim Axmed

Hargeysa,(HargeisaPress) — Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo baxey Xisbiga Kulmiye Gobolka Gabiley ayaa, ka jawaabay hadalo ay Qaarkamida masuuliyiinta xusbiga Wadani oo  Madaxweyne Siilaanyo  ku eedeeyay qabyaalada kajirta isagu aabo ugu yahey,yaheyna Madaxweynihii qabyaalada.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe,oo Warbaahinta u waramey ayaa si adag uga jawaabay hadalka Xildhibaan Bashiir Tukaale,waxaanu sheegay in aan Madaxweyne Siilaanyo aheyn Madaxweynihii qabyaalada balse, uu yahey Madaxweynihii Somaliland oo aan qabyaalad lagu dooran codka ugu badana uu ka helay Deegaanka uu kasoo jeedo Xildhibaan Tukaale isagoo arimahaa kahadlaya waxa uu yidhi.

“Anuu ma jeci inaan inta badan ka hadlo Warbaahinta,waxaanse la yaabay ninkaa Xildhibaanka ah ee Shaley

hadalayay oo Madaxweynaha Somaliland Mr Siilaanyo ku sifeeyay oo yidhi waa Madaxweynihii Qabyaalada waxa aan leeyahey Bashiir wuu khaldamay wax kale oo uu ku tilmaamo ayuu waayay,Madaxweyne Siilaanyo nin qabyaalad ku shuqul leh ma aha markii la dooranayey qabyaalad laguma dooran,codka ugu badana adiga deegaankaaga ayuu ka helay,wuu kasoo jeedaa,Bashiirow ma qabyaalad ayeynu kusiinay markeynu siinaynay inta kabadan afartanka kun ee cod ma qabyaalad ayaad ku siisay mise Somalilandnimo,waxaan leeyahey arintaasi arin meesha kujirta may aheyn arin afka kaweyn weeyaan waxa kale oo aad tidhi Madaxweynaha ka aad la doonayso maanta ee Gudoomiyaha Wadani halagu siiyaad tidhi qabyaalad isagana waxbaad yeeshay, meesha qabyaaladi mataalo qaran baynu nahay axsaab baynu nahay dareenbaa dadku isku dooranayaa mabaadii ayaa la isku dooranayaa, mabaa dii baana la isku khilaafaa goor walba ma aha inaad lasoo taagnaato waxyaabo aan midho laheyn oo aan dhaxal laheyn inaad ku hadhadasho ma aha waxaan leeyahay fadhiga fadhi uga noqo arintaasi meel baad kaga dhacday odeyga xaal ka bixi dib dambeysana ha augu hadlin wax kaloo layidhaahdaa wey badan tahaye Axmad Maxamed Maxamuud Siilaanyo nin qabyaalad lagu sheego ma aha”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Axmad Haybe.

Waxa kale oo uu ka hadley Xildhibaan Ibraahim Axmad Haybe ka hadley mar uu ka jawaabayay, waxa uu Siilaanyo ugu abaal celiyay Dadweynaha Reer Gabiley ee Doorashadiisii siiyay codadka badan iyo tabashooyin ay xiligan Reer Gabiley ka qabaan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo isagoo ka jawaabaya su,aashaasi waxa uu yidhi.

 

“Wax laga tabayana ma ogi wax badan ayuu noo qabtey oo xaqiiq ah wax dhami goor walba majiro,aduunyada inta la nool yahey wey taban tahey marba waxbaa dhiman hadiise la la leeyahey wax malaga qabtey Gabiley dee intii uu joogay iyo intii ka horeysayba wax waa laga qabtey Gabiley intii dowladii ka horeyseyna waxbaa laga qabtey tii horena dafiri mayno”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe ka gaabsadey Arinta,Ceelbradaale kadib markii su,aal laga weydiiyay in uu kamid ahaa ragii ugu adkaa Mucaaridada Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley islamarkaana, ay Xukuumada waajib ku tahay in ay wax ka weydiiyaan sababaha loo dhameyn waayay xaaladii Deegaanka Ceelbardaale iyo arintaasi.

“Arinta Ceelbardaale aniga iima taalo waxey u taalaa cida ay khuseyso waxaananu jecelnahay oo aanu Xukuumadana ku dhiirinaynaa in ay arintaa guda gasho oo ay dhameyso waana waajibaadkeeda in ay dhameyso ayaanu doonaynaa labada Reer ee wax kala sheeganayaana sida ay imikaba u wax isku ahaanshaha tolnimada iyo qaraabada,sidaa uun ha iskugu yimaadaan wixii ay kala tabanaayaana ha sheegtaan dowladauna waxaanu ka rajeyneynaa in ay dhiiri galiso oo dadka walaalaha ah wadahadalsiiso”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu ka hadley Xildhibaan IbraahimAxmed Haybe khilaafaadka ka dhex taagan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.

“Golaha Deegaanka Degmada Gabiley howl ayay wataan howshoodana xaq bay u leeyihiin,waxa aan taa ka leeyahey sidii aanu ku nidhi Wasiirkaba Wasiirku qoraalkii hore ee uu sameeyay waanu kala hadalnay waanu ka noqdey waanu dhameynayaa Golaha Deegaankaanay, u taalaa wixii dhameys tir ahi,waxaanan kula talinyaa meesha waxaad u timaadeen waxa weeyi inaad dadka waxtartaan,dedaalkiinu yaanu noqon uun hebel meesha ka qaad iyo hebel meesha ka tuur cida aad la doonaysaan waxa ka horeeya inaad qorshe sameysaan,oo aad dedaalo sameysaan oo dabeetana sidaa aad maayar ku doorataan ama ku deysaan kuwa idiin jooga hadii ay idiin hagaagayaan iyo hadii kaleba taasi waa arin idin khuseysa waxaanan leeyahey dedaalkiinu ha noqdu uun waxqabadka Gabiley”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe.

Gabagabdii hadalkiisana waxa uu fariin dardaaran ah u gudbiyay shacbiga reer Gabiley.

“Shacbiga Reer Gabileyna waxaan leeyahey dulqaadka hala badiyo,marka wax yar adkaadaanba yaan la qeylinin dabeecado badan oo aan Reer Gabiley lahaan jirin oo imika soo biirteybaa jirta bal arimahaana wixii la tabanayo hala sheegto,hadana asluubteedii haloo sheegto yaynaan wax siyaado ah ku darin laakiin dadku way tabanaayn wax waxa ay tabanayaan xaq bay u leeyihiin in ay sheegtaan”Ayuu hadalkiisa kusoo Gunaanaday Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe.

 

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo katirsan Mudanayaasha aqalka SWakiilada Somaliland ee Xisbiga Kulmiye uga soo baxey Gobolka Gabiley waxa uu kamid ahaa Xubnihii ugu mayalka adkaa Mucaaridada Xisbiga Kulmiye ee Doorka weyn kasoo qaatey Dorashooyinkii Xisbiga Kulmiye lasoo galey Xisbigii uu talada kala wareegay ee Udub kuwii Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, islmarkaana, had iyo jeer arimaha Siyaasada Gobolka Gabiley saamaynta badan ku leh,ahna shaqsiyaadka ku mayalka adag mabda,iisa

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here