Xildhibaan Good Oo Sheegay Inay Iscasilayaan 13 Xildhibaan Ee Awdal, Haddaanu Saamiqaybsiga Madaxweynuhu Go’aan Ka Gaadhin

0
682
Xildhibaan Cabdiraxmaan Abubakar Good

Hargeysa,(HargeisaPress) —Xildhibaan Cabdiraxmaan Abubakar Good oo ka mid ah xildhibaanada gobalka Awdal ayaa sheegay inay guud ahaanba xildhibaanada golaha wakiilada kaga jira gobalka Awdal ay is casili doonaan haddii madaxweynuu aanu go’aan rasmi ah ka gaadhin saamiga kuraasta gobalkaas ee mudada dheer arintiisu ay soo jiitamaysay.

Waxa uu xildhibaanku sheegay inay gobalka Awdal tashi ay ugu laaban doonaan  isla markaasna aanay aqbalayn marnaba in kuraastii hore uu gobalkaas ku tartamo, waxaana uu xildhibaan Good ka hadlay fadhiga golaha wakiiladu uu kaga doodayo xaalada dalka, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Xaalada saamigu nidaam ayay soo martay intay doontaba ha gaadhee oo uu hormuudna ka ahaa madaxweynaha maanta haya dalka ee Muuse Biixi waliba dadkii aadka u taageersanaa uu ahaa, maanta waxay maraysaa dadkan wax doon doonaya xukuumadii hore ayaa kibriyay, madaxweynaha Kalabaydh ilaa Sheekh mooyaane malaa inta kale waxba kama quseeyaane, heshiisyadii waa in la fuliyaa oo saamigii waa in si degdeg ah loo galaa intaas oo mudo ah ayuu soo jiitamayay, intaas oo mudo ah ayaa loo dulqaadanayay 27 sanadood ayaa laga soo hadlaayay xaalad kale oo maanta la yidhaahdo waa sidan wax suurto gal ah maaha, gobalka Awdal intaas oo jeer ayuu hadlay xildhibaanada ayaa hadlay intaas oo jeer ayay la tashi dadkooda ugu tageen, xaaladii ugu danbaysay ee uu isagu balan qaaday ee uu afkiisa ka yidhi tiiba looga fadhiyaa,saamigii waa inay xukuumadu hogaamisaa,shir gudoon inaad qabataanba may ahayn mar haddii aynu u codaynay hore oo madaxweynaha aynu u gudbinay, saddex bilood markay ka hadhayna waxa la soo saarayaa ka gaadhi mayno, suurto gal noqon mayso, xildhibaanada gobalka Awdal talo ayaanu  isugu noqonaynaa, gobalkiina talo ayaanu ugu noqon doonaa, haday nagu kalifayso 13-kayagaas xildhibaan inaan is casilnana waanu ku talo jirnaa, waxaas dadka u qaadi mayno.”

Geeska

LEAVE A REPLY