Xildhibaan Dhakool Oo La Soo Daayay iyo Siyaasiyiin Ka Hadlay

0
936

Xildhibaan Dhakool ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo soodayntiisa iyo  xadhigiisa, hase yeeshee waxaa u hadlay siyaasiyiin ay isku beel yihiin….

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo muddo ku dhaw afar todobaad ku xidhnaa xarunta denbi baadhista CID ee magaaladda  ayaa maanta xoriyadiisii dib u helay.

Xildhibaan Dhakool, oo ka tirsan mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayay xukuumadda Somaliland xidhay dhawr maalmood uun ka hor dabaal degii xuskii 18-kii May.

Iyadoo xildhibaanka lagu eedeeyay in uu ku kacay fal lidi ku ah qaranimadda Somaliland, kadib markii uu xuska maalinta qaran ee 18-ka May ku tilmaamay maalin aan loo dhamayn, isla markaana ay maalin madow u tahay beelaha darafyadda Somaliland dega.

Markii la soo daayay  xildhibaan Axmed Maxamed Dhakool, oo wareiyyaashu isku deyeen in ay wax ka waydiiyaan sida uu u arko xadhigiisa iyo siidayntiisaba ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahina ka bixiyo arrimahaasi.

 

Hase yeeshee waxaa taa bedelkeedda warbaahinta la hadlay   xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland iyo Axmed Xasan Cali (Casoowe), oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, kuwaasoo  ay isku beel iyo  isku degaan ka soo wada jeedaan xildhibaan Dhakool.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, oo ugu horayn ka hadlay soodaynta Dhakool ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay  in uu ka aqbalay sii daynta xildhibaan Dhakool.

Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay guddoomiyeyaasha Guurtidda iyo  Wakiiladda  iyo xubno ka mida golaha wasiirrada oo ka qayb qaatay hawshii soo daynta xildhibaan Dhakool.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa la soo daayay xildhibaanka, maanta wuxuu la joogaa xaaskiisii iyo reerkiisii.  Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, guddoomiyaha golaha Guurtidda, oo isna shaqo weyn arrintaa ka galay.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda, xubnaha labadda gole ee baarlamaanka, xubno golaha wasiirrada ka tirsan oo iyagna  hawshaa dhinacoodda kaga jiray iyo dhamaanba dadweynaha reer Somaliland.

Waxaan leeyahay dhamaantiinba aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinayaa, hawshaasina way dhamaatay, wanaag iyo sharaf ayaanay ku dhamaatay iyo xildhibaankii oo xoriyadiisii helay oo maanta xor ah oo suuqa inala jooga”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waxa kaloo aanu mahad si gaara ugu celinaynaa, dhamaanba qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland meel kastoo ay joogaanba, kuwaasoo si weyn u daboolay ama uga hadlay hawshani intii ay socotay.

Waxaanan ka codsanaynaa dhamaanba ummada Somaliland in la is cafiyo” ayuu yidhi xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi.

Geesta kale siyaasi Axmed Xasan Cali (Casoowe), oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin oo isna ka hadlay soo daynta xildhibaan Dhakool ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in uu si gobanimo leh ka yeelay arrintaasi.

Waxaanu yidhi “Aad baan ugu mahad naqaynaa madaxweynaha iyo guddoomiyeyaashaba. Madaxweynuhu-na si gobanimo ah ayuu arrinkaa ka yeelay. Xildhibaanku isagoo caafimaad qaba ayuu ka soo baxay meeshii uu ku xidhnaa”.

Casoowe, oo hadalka sii watay waxa uu sheegay  in xaaladda caafimaad ee xildhibaan Dhakool ay wanaagsan tahay, isla markaana uu u cadeeyay in aanay jirin wax dhibaato ah oo loo gaystay mudadii uu xidhnaa.

“Waxaanu noo sheegay in mudadii uu xidhnaa aan wax dhibaato ah loo gaysan, haba yaraatee. Haddii ay tahay Af-xumo, jidh-dil iyo wax kale midnaba, intaasi in aanay jirin waan ka soo xaqiijinay.

Kiiskii sidaas ayuu ku dhamaaday.  Dadkii ku faraxsanaa in xildhibaan Dhakool xadhiga ku sii jiro, kuwaasi waxaanu leenahay liqa taa.

Somalilandna dhaqankeedii ayuunbay ku shaqaynaysaa oo marka ay wax ka qaldamaan dhinca dhaqanka ayaan ka marnaa”ayuu yidhi siyaasi Casoowe.

Dhinaca kale xildhibaan Dhakool ayaa intii uu xidhnaa hal mar la geeyay maxkamadda gobolka Maroodijeex, taasoo aan ka garniqin xadhigiisa, kuna  tilmaantay in aan dariiq sharciya loo soo marin xadhiga xildhibaanka.

Waxa kaloo jirtay   in  guddiga joogtadda ah ee golaha Wakiiladda Somaliland oo maalmo ka dib markii la xidhay xildhibaan Dhakool shir ka yeeshay sababta xadhigiisa ay  maalintaas sheegeen in aan dariiq sharciya loo marin xadhigiiisa.

Maadaama oo uu yahay xildhibaan qaran oo leh dhawrsanaan aanay banaanayn in la iska xidho, iyadoon xasaanadda laga qaadin, sidaas darteedna uu shuruucda iyo xeerarka dalka baalmarsanaa xadhigiisu.

Inkastoo ay guddiga joogtadda Wakiiladu maalintaas sheegeen in aanay ka gole ahaan iyo xildhibaano ahaanba Dhakool ku raacsanayn hadaladii uu ku kacay.

Marka waxyaabahaas oo dhan la isku soo xooriyo waxaa muuqata in soodaynta xildhibaan Dhakool ay ku timid dhinaca dhaqanka iyo ilaalinta dareenka beeshiisa, balse aanay jirin in wax danbiya lagu waayay ama in lagu xukumay denbigii markii la xidhay ay xukuumadu ku eedaysay.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY