Xildhibaan Bidhi Oo Shahaado Sharaf Ku Mutaystay Horumarinta Arrimaha Bulshadda

0
707

Burco (Hargeisa Press.com): Barnaamij lagu magacaabo Qiimee qofkaaga ayaa xalay waxaa magaaladda Burco shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyay xildhibaan Mubaarig Bidhi iyo xubno kaloo lagu abaalmariyay waxqabadkoodda bulshadda.

Munaasibadii shahaado sharafyadda lagu guddoonsiinayay dadkaasi oo xalay lagu qabtay hudheelka Haas ee magaaladda Burco, waxaa ka soo qaban qaabiyay koox dhalinyaro ah oo la magac baxay Qiimee qofkaaga.

Kooxdan dhalinyarada ah ayaa barnaamijkan waxay ku qiimaynayeen hal-doorka bulshadda gobolka Togdheer, kuwaasoo ay ku soo xuleen shaqsi kasta iyo sida uu uga dhex muuqdo ka shaqaynta arrimaha bulshadda.

Waxaana halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyay xubno uu ka mid ahaa xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Iyadoo xildhibaanka lagu qiimeeyay kaalinta fir-fircoon ee uu kaga jiro barnaamijyadda horumarinta bulshadda  gaar ahaana dhalinyaradda ee gobolka Togdheer.

Halkan Ka Daawo Barnaamijkaasi iyo Hadaladii Laga Jeediyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY