Xildhibaan Bidhi Oo Lacag Gaadhsiiyay Dad Dhimirka Ka Xanuunsaya Oo Ku Tabaalaysan Qoryaale

0
1046

Qoryaale, (HargeisaPress) —Degmadda Qoryaale ee gobolka Togdheer waxay ka mid tahay magaalooyinka  ay ku nool yihiin dadka  ugu  badan ee  dhimirka ka xanuunsanaya, kuwaasoo lagu qiyaasay boqol iyo dheeraad qof oo aan haysan meello lagu daryeelo iyo cid daryeesha toona.

Iyadoo dadkaasi dhimirka ka buka ee ku tabaalaysan Qoryaale ay dhibaatooyin kala gedisan haystaan, iyadoo qaarkood  ay naafeeyeen dhibaato  ka soo gaadhay Sil-silado Birr ah oo lagu xidhay. Inkastoo ay dhibaatadaasi ay   qabaan  sababtay dhaqaale xumadda   haysata guud ahaanba dadka dhimirka ka buka.

Dadkaasi oo aan haysan goob lagu daryeelo caafimaadkoodda ayaa  siyaabo kala gedisan uu u haleelay xanuunka maskaxdu, iyagoo   isugu jira kuwo xaaladoodda nololeed iyo caafimaadba ay aad u liidato iyo kuwo  uu xanuunku si fudud ugu dhacay, balse u baahan daawayn iyo daryeel dhaqaale.

Halkan Ka Daawo Warbixintaasi:

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa   dadkaasi maskaxda ka xanuunsanaya ee ku nool Qoryaale gaadhsiiyay  lacag caawimo ah oo ay ku soo hagaajiyeen gabdho degan magaaladda Bingham ee dalka Ingiriiska iyo mid uu isagu ugu daray.

Waxaanu xildhibaanku lacagtaasi caawimadda ah ku wareejiyay  guddoomyaha  degmadda Qoryaale iyo xoghayaha degmadaasi. Waxaanay soo indha indheeyeen qaar ka mida dadkaasi dhimirka ka buka ee ay lacagta gaadhsiiyeen.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo  hadal ka jeediyay madashii uu lacagtaasi ku wareejinayay ayaa sheegay in dumarka lacagta ka soo dhiibay Ingiriiska ay ku timid kadib markii ay warbaahinta ka arkeen muuqaalo laga soo duubay dadkaasi maskaxda ka buka oo lagu baahiyay TV-yadda iyo baraha bulshadda ee Internet-ka.

Sidaas darteed-na iyagoo taas ka jawaabaya ay lacag iska soo ururiyeen, isla markaana ay isaga ku soo hagaajiyeen ay u qaybiyeen dhawr iyo labaatan qof oo ka mida kuwa dhimirka ka xanuunsanaya ee ku tabaalaysan Qoryaale.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here