XILDH. DHEEG XAALKIISU WAA NIN MURAAYAD DAAWADAY, FOOL XUMO ISDIIDSII…!

0
1415

XILDH. DHEEG XAALKIISU WAA NIN MURAAYAD DAAWADAY, FOOL XUMO ISDIIDSII…!
+++++++!+++++++++++++++++++++++

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin wayn oo hadal ka dhacay waa geed qolof ka dhacday”. Ceeb ka wayni ma jirto Nin wayn oo abwaana oo guurti ah oo Xildhibaan ah inuu been cad oo waxba kama jiraan ah umada la horyimaado. Kulmiye waxaan uga tagayaa markuu yidhi waxba kama qaban karayo sicir bararka iyo qabyaalada, horta waa hadal xaqiiqda ka fog oon sal iyo raad toona lahayn, Xisbiga Kulmiye wuxuu soo bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasiga ah oo ay ku cadahay wax uga qorshaysan waxyaabaha Xildh dheeg sababta uga dhigay inuu kulmiye kaga tagay. Waxaana muuqata in Xildhibaan dheeg dhabahii qabyaalada cagta saaray, isagoo leh cadaalad daro ayaa nagu dhacday cabashadiisuna tahay reerkayga (Guunyoobe) ayaa xil loo magacaabi waayay, waa dood is burinaysa runtii reerkaygiibaa la qadiyay, qabyaalad ka cararna waan ahay hadana Wadani ayaan galayaa si aan qabyaalad uga badbaado, miisaankii Xildhibaan dheeg halkaas ayuu fadhiistay.

Dhinaca kalebWaxa jirtay in Xildhibaan dheeg ka mid ahaa Markhaatiyadii goob jooga ka ahaa ee saxeexay Heshiiskii Jamal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe, waanu u tagnay oo waxaanu ku nidhi ka hadal wixii ilaahay kugu ogaa ee aad markhaatiga ka ahayd, Afkuu ka xidhay oo kalmad inuu ka yidhaa wuu diiday, Hadaba Cadaalada muxuu u yaqaan, Cadaalad darada se lagu sameeyay maxay tahay, miyaanay ahayn Qabyaaladii oo laba wajiilaynaysa.

Tuduc ka mid ah Gabaygii Gurmad ee AHN Abw. Gaariye ayaa ahaa:’

Waxaan godobtiisu hadhin
Gar aad leedahuu ogyahay
Nin kaala masuugay gole.

Hadaba dooda Xildh. Dheeg waa mid jaban oo reernimo dhinaca saartay, mase xuma lkn waxa iga suaala, Waxa qabyaalad looga dhigo Marka cid deegàanka Musharaxa Kulmiye ahi ay taageerto, ee ay qabyaalad u noqon wayday marka sidan Xildhibaankan guurtida ah ee waliba abwaanka ah uu si badheedha hadalo qabyaaladeed ugu hadaaqo. Tani waxay noqonaysaa Qabyaaladii Oo Intay Laba Waji Yeelatay Hadana Cabanaysa. Subxaanaka Yaa Cadiim.

Ugu danbayntii Xildhibaan dheeg waxaan leeyahay Muuse Biixi naftiisa ayuu u huray badbaadinta shacabka iyo jiritaanka qaranimada Somaliland. Tartan xalaal ah oon cunfi iyo caadifad lahayn ayaanu diyaar u nahay hadaan Kulmiye nahay. Lkn durbaanada aad tumayso kuwa lagaa filayay maanta may ahayn, In lagu tilmaansado ayay ahayd lkn tasawday xaajoow.

Ninka duhur dharaareed,
Durbaan dhagaxa Xaajow,
Tuntayee dabaal-degay,
Miyuu duni ogsoonyahay?

Tuduc ka mid ah Maansadii Doqon-dila.

Wabilaahi tawfiiq.
Mohamed Gacayte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here