Xil-gudashada siyaasadeed Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
1106

Mujaahid Boobe Yuusuf DucaaleAkhriste,Salaan kal iyo lab ah iga guddoon. Muddo dheer ayaynu wadaagaynay Qoraallada aan idiin ku soo tebinayay war-baahinta, gaar ahaan: wargeysyada, TV-yada iyo Mareego badan oo meelo kala duwan ka soo baxa. Siyaabo badan ayaan qoraalladaa idiin ku soo gudbin jiray oo maqaallo marle ah ahaa, qaar taxane ahaa, odhaah iyo buugaagba.

Inta badan waxaan qormooyinkaa idiin soo gudbin jiray aniga oo ka tursanaan jiray Bulshada Rayidka ah ee Somaliland iyo marar aanan ka tirsanayn Bulshada Rayidka ah oo aan qormooyinkayga ku falanqayn jiray arrimo siyaasadeed.

Muddadaa dheer ee aan qoraallada idiin soo gudbin jiray marna kama aan mid noqon Urur-siyaadeed iyo Xisbi midnaba, in kasta oo laga yaabo in qoraalladayda qaarkood laga dhadhansan jiray naqdi joogto ah oo aan ku hayay tallaabooyinka aan u arkayay in ay gurracan yihiin ee ay qaadayeen Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye. Kama ay madhnayn qormooyinkayga in aan mararka qaarkood naqdiyi jiray Golayaasha kale ee Qaranka sida Xeer-dejinta iyo Xisbiyada Mucaaradka ahba.

Qormadaydan manta ma aan siin summaddii aad igu taqaanneen ee ahayd KHAMIISLAHA, maxaa yeelay waayo cusub iyo xaalad digo-rogasho ah ayaan galay oo aanan dhex ka ahayn waxyaabaha dalka ka dhacaya bal se aan qaatay aragtida Xisbiga Waddani oo aan si rasmiya ugu biiray 27/11/2014ka, aniga oo ka mid ahaa saaxiibbo badan oo gobollo kala duwan ka yimid. Sidaa darteed ayaanan qormadan u siin cinwaankii Khamiislaha ahaa.

Marka 1aad bal aan idiin soo gudbiyo weedhii gaabnayd ee aan ka akhriyay xafladdaa aanu ku digo-roganaynay:

Weedha Xafladda digo-rogashada Is-beddel-doonka,

Asalaamu-calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu,

Uma aan hollan in aan hadal dheer madashan bilan ka jeediyo. Waxaan u soo kacay in aan wax aan sidaa u dheereyn iftiimiyo. Marka hore waxaan halkan ka caddaynayaa in aan u soo digo-rogannay Xisbigan Waddani annaga oo badan oo sidaa dan moodnay. Waxaanu nahay Is-beddel-doon. Wuu badan yahay Is-beddelkuye, waxaanu uga jeednaa is-beddel togan oo dal iyo dadba la mahadiyo. Sidaas ayaanu Is-beddel-doon ku nahay. Waxa kale oo aanu ka sii nahay Haakah-ma-sugtada go’aansatay in aan mar dambe laga qaniinin god hore looga qaniinay. Waxaanu nahay dad ka khatoobay filimmadan la soo cel-celiyo ee sidii Kartoonnada qaarkood musalsalka aan dhammaan laga dhigay ee indhihii iyo dhegihiiba ka daaleen.

Maxaa na keenay Xisbigan Waddani? Waxaanu u nimid in aanu la wadaagno dedaalka iyo hawlaha la xidhiidha: adkaynta nabadda, horumarinta dalka, hirgelinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda, dhowridda iyo xurmaynta xorriyadda saxaafadda, ilaalinta iyo dhowridda guulihii halgankii hubeysnaa iyo ololayaashii is-daba-joog ee la xqiijinayay tan iyo 1991kii. Waxaanu idiin ku nimid in aynu Xisbiga Waddani u adeegsanno xaqiijinta himilooyinka qaran ee dal iyo dadba danta u ah. Waxaanu idiin ku nimid in aynu Xisbiga Waddani ku wadaagno dareemmada togan ee dal-jacaylka iyo dad-jacaylkaba ah. Waxaanu idiin ku nimid in aynu la dagaallanno qabyaaladda dalka iyo dadkaba lagu shinniyeeyay ee aynu taabka la rogi la’nahay.

Waxaanu idiin ku nimid in aynu wax ka baranno isla markaana wax ku qaadanno waxyaabaha taban ee aynu ka aragnay nidaamkan aynaan mahadin ee hoggaaminta Xukuumadda maanta dalka ka talisa ee aynu eednay, abaalkeenniina xumaanta iyo tacaddiga inooga dhigtay.

Aan ku soo xidho tuduc Timacadde lahaa oo ahaa:

Wixii dhacayba nimankaan ku waday, in aynu weydiinno,

Kol hadday u waysaysatoo, weliyo loo haysto,

Aniga yaan wax baynu isu nahay, laygu weyrixinne

Ninka weliba sii eegayaa, ha u wishiirriyo e’,

Wa Billaahi Towfiiq

Boobe Yuusuf Ducaale,

Hargeysa, 27/11/2014ka,

Marka 2aad:

Waxaan aamminsnahay in aynu marayno marxalad adag oo u baahan in la gurmado. In la gurmadaana waxay u baahan tahay in sifo Dastuuriya loo gurmado oo aan fowdad iyo xeer-ka-boodnimo lagu tallaabsan. Sidaas darteed, ayuu muwaaddinka hawlo siyaasadeed gelayaa ugu qasban yahay in uu xubin rasmiya oo firfircoon ka noqdo mid ka mid ah Xisbiyada. Doorashaduna waa Xisbiyada mucaaradka ah aniga oo rumaysan in aanu Xisbiga Kulmiye kob caano leh ka soo dur-durin doonin. Sidaas ayaan ugu biiray Xisbiga Waddani oo aan dhexdiisa ka hawl-geli doono, qormooyinkayga dambena laba mid ayuun bay noqon doonaan: qaar aragti Xisbiyeed (Waddani) xambaarsan iyo qaar aragti shakhsiyadeed ah.

Sidaas ayaan dhammaantiin idin ku salaamayaa aniga oo idiin ka mahad-celinaya sidii aynu u wadaagi jirnay qormooyinkayga iyo dareennadii ka dhashayba.

Guul iyo guryo-samo dhammaanteenba.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here