Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Oo Ballan-qaaday Waxqabad Ay Samayn Doonaan

0
1324
Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland Mustafe Cabdi Xadi

HargeisaPress —Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland Mustafe Cabdi Xadi (Diyaara), oo Wasiirkii hore ee Ciyaaruhu Cabdirisaaq Waaberi Rooble, uu wareegto ku magacaabay, kadib markii uu kala diray xidhiidhkii hore, ayaa wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in xilkan loo magacaabo, waxaanu xusay in Xidhiidhkoodu yahay xidhiidh ku meel gaadh ah, oo inta Doorasho laga galayo ay xilka sii haynayaan, waxaanu tilmaamay in haddii ALLE idmo mudadaas ay xilka hayaan inay horumar aad u balaadhan gaadhsiin doonaan Xidhiidhka Ciyaaraha fudud, tartamana ay qaban doonaan.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland Mustafe Cabdi Xadi (Diyaara), oo u waramay Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in xidhiidh la sameeyn doonaan Wadamada jaarka, isla markaana tayada ciyaaraha fudud ee dalka ay sare u qaadi doonaan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Wasiirkii hore ee Ciyaaruhu wareegto sharciya ayuu nagu doortay, halka uu wareegto sharciyana ku kala diray xidhiidhkii naga horeeyey, haddana anaga ayaa si toos ah xilkii iyo waajibaadkii xidhiidhka ciyaaraha fudud ula wareegaynay, xidhiidhkii horena waan uga mahadnaqayaa intii ay xilka hayeen iyo wixii ay qabteen, madaama aanu anagu nahay xidhiidh ku meel gaadh ah, xilkana sii hayn doono inta laga qabanayo Doorasho, haddii ALLE idmo, sidaas oo ay tahay muddadaas aanu xilka hayno waxaanu rabnaa in aanu sare u qaadno tayada Garsoorka iyo Tababarka Ciyaaraha fudud, waxaanu doonaynaa in aanu sameeyno naadiyo orod, oo kala ah heerka kowaad, heerka labaad iyo heerka saddexaad, waxaanu doonaynaa in aanu dib u soo celino xidhiidhkii aanu la lahayn wadamada aynu jaarka nahay, kana qayb galno tartamada orodka oo ay inoogu dambaysay saddex sanno ka hor, waxaanu doonaynaa in horumar aan la soo koobi karin aynu gaadhsiino ciyaaraheena fudud”.

Mar uu ka hadlaayey Tababare Jaamac Karaaciin “Waxaanu rabnaa in xidhiidh la sameeyno dadka aqoonta u leh Ciyaaraha fudud, gaar ahaan waxa hadda dalka ku sugan Tababare Jaamac karaaciin, oo tareeriska tababar ku siiyey Orodyahano, runtiina wada shaqeeyntiisa aad baanu ugu faraxsan nahay, waxaana ka rajaynaynaa waxyaabo badan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here