Xarunta Xuquuqal Insaanku ay ka Walaacsan tahay Xayiradda baraha bulshada

0
1066

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudida Qaran ee Doorashooyinku waxaay ku amreen shirkadaha is-gaadhsiinta inay xayiraan baraha bulshada laga bilaabo 13 November 2017 ilaa inta natiijada doorashada lagu dhawaaqayo. Doorashada madaxwayne ayaa ka dhici doonta Somaliland Isniinta. Facebook, Twitter, WhatsApp iyo qaar kale oo baraha bulshada ka mid ah ayaa la xayiri doonaa mudadaas. Gudidu wuxuu sheegay inuu taas u sameeyey si looga hortago wararka ku tidhi ku teenka ah iyo been abuurka.

Kow iyo labaatan maalmood oo olole ah ayaa dhamaaday shalay. Codbixiyayaashuna waxaay u dareeri doonaan goobaha codbixinta maalinta Isniinta.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay Maxkamadda Sare u gudbisay cabasho ka dhan ah go’aanka lagu xayirayo baraha bulshada.

“Ma jirto wax aasaas sharci ah oo uu leeyahay go’aanka Gudidu ku xayirayo baraha bulshada. Aad baanu uga walaacsanahay arinkan cusub oo noqon doona waxa lagu daydo hadhow,” ayuu yidh Guleid Ahmed Jama, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

“Dal dimoqraadi ah markaad tahay, lama xidho baraha bulshada ah xiliga doorashada. Maaha wax caqligal iyo sharci ah toona. Waxaay tani xadidi doontaa xorriyadda hadalka, warbaahinta iyo heelidda xog. Waxaanu ugu baaqayn Gudida Doorashada inuu ka noqdo amarkan oo uu u ogolaado dadka inay cabiraan aragtidooda,” ayuu ku daray.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay u aragtaa go’aanka Gudida mid dastuurka ka soo horjeeda oo sharci darro ah.

Sharci ahaan Maxkamadda Sare waxaay awood u leedahay inay ka go’aan gaadho dastuurnimada go’aanka Gudida.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY