Xarunta Xuquuqal Insaanka: Dawladdu waa inay xorriyadiisa u soo celis suxufi Maxamed Baashe Xasan

0
908

Hargeysa,(HargeisaPress) —Habeenimadii 20kii February 2017, booliiska Somaliland waxaay xidheen Maxamed Baashe Xasan oo ah suxufi iyo qoraa caan ah oo hada agaasime ka ah telefiishanka Star. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Maxamed si aan shuruudi ku xidhnayn.

Maxamed wuxuu kaga qaybgalay hoteelka Maansoor xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland oo la xuso 20kii February 1982 oo ahayd markii dawladii ciidanka ahayd ee Siyaad Barre ay gacan kulul kaga hortagtay arday ka mudaharaaday aqoon yahan la xidhay. Maxamed wuxuu ka mid ahaa ardaydii ka qayb gashay mudaharaadkaas ardayda.

Xuska oo uu ka qaybgalay wuxuu Maxamed ka sheegay sida uu uga soo horjeedo qaabka loo maamulay saldhigga ciidan ee laga siiyay Imaaraadka Carabta magaaladda Berbera.

Booliisku waxaay ku eedeeyeen Maxamed kicin dadwayne iyo khal-khalgelin amni.

Xaruntu waxaay sida ugu adag u canbaaraynaysaa xadhigga suxufigan caanka ah oo ah nin ixtiraam bulshada ka kasbaday laguna yaqaan doorkii uu ku lahaa diidmadii la diiday cabudhintii dawladii ciidaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland iyo qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxaay damaanad qaadeen xorriyadda cabiraadda iyo hadalka.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Mobile: +252759283208, Uganda

Email: chair@hrcsomaliland.org

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here