Xarunta SAHAN Oo La Gaadhsiiyey 560 Kiish Oo Raashin Ah Iyo 18 Bundadood Oo Dhar Ah + SAWIRRO

0
1610

Hargeysa,(HargeisaPress) —Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Xarunta lagu daweeyo Dadka Qaba Xanuunnada Dhimirka ee SAHAN ee Galbeedka Magaalada Hargeysa ku wareejiyey Deeq-lacageed oo ay Xaruntaa ugu soo yabooheen Jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Cardiff ee Dalka Ingiriiska.

Lacagtan oo lagu beddelay Raashin ay quutaan Dadka Xiskoodu dhiman yahay ee Xarunta SAHAN ku jira, ayaa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro) oo ka hadlayey kulankii uu Lacagtaa isagu kula wareegay wuxuu ka warramay sida Lacagtu ku soo gaadhay iyo Xaaladda ay ku sugan tahay Xarunta SAHAN, waxaanu yidhi “Xarunta Dhimirka ee SAHAN waxa lagu wareejinayaa Lix kun oo dollar, taasi oo loogu beddelay Raashin ka kooban 560 Shay ah. Waxaanu aad iyo aad ugu Mahad-naqaynaa Bulshada la shaqaysta Golaha deegaanka Magaalada Cardiff ee Lacagtan soo diray, waxaanu leenahay meeshii ugu habboonayd ayay ku baxday. Xarunta Sahan waxa ku jira Lix boqol oo Qof, illaa Boqol Qof ayaa bilaash ah, Afar Walaalo ah iyo Saddex Walaalo ah oo miidhan baa ku jira.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Maanta waxa halkan jooga Axmed Cabdi Cumar iyo Cabdikariin Il-dhegasood oo igu wareejiyey Lacag Lix kun oo Dollar ah oo loogu beddelay Raashin 560 Shay ah, oo laga yaabo inuu Dadka Sahan ku jira ku filaado muddo laba Sanadood ah, waxaanu leenahay meeshii aad ka soo saarteen wax ka khayr badan ILLAAHAY ha idinku beddelo, miisaanka Xasanaadka ha idiinku daro.”

Cabdikariin Cabdi Aadan oo ka socday Jaaliyadda reer Somaliland ee Magaalada Cardiff ee Dalka Ingiriiska oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Anigoo ku hadlaya Magaca Jaaliyadda Cardiff, waxaan leeyahay Lacagtan waxa soo ururiyey Shaqaalaha Golaha Deegaanka iyo Jaaliyadda kale, aad baanan ugu Mahad-naqayaa Dadka Lacagtan soo bixiyey.”

Markaasi ka dib, waxa waxa Cabdikariin Cabdi Aadan oo Maamulka Xarunta SAHAN ku wareejiyey raashin lagu soo iibiyey Lacagtii ay soo direen Jaaliyadda Cardiff ayaa mar kale u Mahad-naqay Jaaliyadda Cardiff, gaar ahaan Hablaha ka soo shaqeeyay ee soo ururiyey Lacagta, waxaanu si rasmiya ugu wareejiyey Maamulka Sahan Raashin dhan 560 Shay.

“Xarunta Sahan waa halka ugu habboon, markaad eegto sida Dadka loogu daryeelayo, markaa Anigoo ku hadlaya Magaca Jaaliyadda aad iyo aad baanu ugu Mahad-naqaynaa Maamulka Xarunta SAHAN ..” ayuu yidhi Cabdikariin Cabdi Aadan.

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Raashkani wuxuu ka kooban yahay Bariis, Sonkor, Daqiiq, Saliid, waana Raashinka ay Dadkeenu cunaan wakhtigan, Bariisku waa 140 Kiish, Daqiiqdu waa 140 Kiish, Sonkortu waa 140 Kiish, Saliidduna waa 140 Caagadood, guud ahaan waa 560 Shay oo raashin ah, markaa maaddaama oo Ramadaantiina soo galayso waa Sadaqo aad u muhiim ah, markaa Hablahaa reer Somaliland ee ka shaqeeya Dawladda Hoose ee Cardiff ILLAAHAY Miisaanka Xasanaadoodka ha ugu daro, Sheekh Aadan oo na soo gaadhsiiyeyna ILLAAHAY Miisaanka xasanaadkiisa ha ugu daro.”

Dhanka kale, Deeq dhar kala duwan ah ayaa la gaadhsiiyey Xarunta lagu dabiibo Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka ee SAHAN, kaasi oo uu ugu yaboohay Muwaadin reer Somaliland ah oo deggan Dalka Talyaaniga.

Dharkan oo uu halkaa gaadhsiiyey Cismaan Maxamuud Cismaan oo Wakiil ka ahaa Muwaadinka dharkan ku deeqay, ayaa waxa faahfaahin ka bixiyey Agaasimaha Xarunta SAHAN Kayse Xasan Cumar, waxaanu yidhi “Cismaan Maxamuud Cismaan oo ka mid ah Dadka Mar walba taageerada nala garab taagan ayaa waxa uu na soo gaadhsiiyey Deeq dhar ah oo uu Wakiil uga yahay Maxamed Sheekh Maxamuud Suufi.”

Cismaan Maxamuud Cismaan oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Deeqdan waxa soo diray Nin aanu Walaalo nahay Maxamed Sheekh Maxamuud Suufi oo Dalka Talyaaniga deggan, waxaanu isla garanay inaanu qaybtan dharka ah siino Cisbitaalka Dhimirka ee SAHAN si ay baahida ugu daboolaan, dharkani wuxuu ka kooban 18 Bundadood oo Saraawiil ah, Koodhadhka dhaxanta iyo Karamaan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro) oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan u Mahad-naqayaa Maxamed Sheekh Maxamuud Suuufi oo dharkan soo gaadhsiiyey Xarunta SAHAN, isagoo soo Wakiishay Ninkaa ay Walaalaha yihiin ee Cismaan Maxamuud Cismaan, illaahay meeshii ay ka soo saareen wax ka khayr badan ha ugu beddelo.”

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ka Mahad-naqay Deeqdan Dharka ah, waxaanu sheegay “Deeqdan waxa qiimaheeda fahmaya Cidda loo keenay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Illaahay Miisaanka Xanasaadka ha ugu daro Maxamed Sheekh Maxamuud Suufi oo Dalka Talyaaniga deggan, Cismaan Maxamuud Cismaan oo uu soo wakiishay iyo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY