Xanuunka Shuban Biyoodka Oo Kusii Faafaya Gobolka Togdheer Iyo Tirada Dadka Ilaa Xalay U Dhintay Xanuunka

0
1067
Xanuunka Shuban Biyoodka Oo Kusii Faafaya Gobolka Togdheer

Burco, (HargeisaPress) —Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka HargeisaPress.com,  ayaa waxay sheegayaan in xanuunka Shuban Biyoodka oo ka dilaacay gobolka Togdheer uu maalinba maalinta ka danbaysa kusii fiddayo deegaanada Gobolka Togdheer isaga oo sababay dhimashada ilaa dhawr qof 24saacadood ee u danbeeyey.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xalay ay deegaanada Beer oo ka tirsan gobolka Togdheer iyo degmada Sheekh ay ku dhinteen Afar qof kuwaas oo laba qofna ku dhinteen Sheekh labada qof ee kalena ay ku dhinteen Beer sababo la xidhiidha shuban Biyoodka awgood.

Sidoo kalena xanuunka Shuban Biyoodka ayaa waxa uu soo ritey maalmihii u danbeeyey dad tiro badan iyaga oo sidoo kalena ay shalay Laba Maxbuus oo ku xidhnaa jeelka magaalada Burco ay xanuunka shuban Biyoodka dartii ugu dhex geeriyoodeen xabsiga halka ay 54 kale oo maxaabiis ah iyo Shan Askari oo ka tirsan ilaalada Jeelkana uu soo ritey xanuunku,waxaana dadkaasi xaaladooda caafimaadka lagula tacaalayaa goobaha caafimaad ee gobolka Togdheer.

Dadka uu asiibay xanuunkani ayaa waxay u badan yihiin sida naloo xaqiijiyey dad waayeel ah oo u badan haween iyo caruur yar yar kuwaas oo la il daran xanuunkan Shuban Biyoodka ee ka dilaacay deegaanada gobolka Togdheer.

Maamulka gobolka Togdheer ka degmada Burco iyo masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka ayaa goordhawayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco iyaga oo ka hadlay xanuunkan Shuban Biyoodka ee ka dilaacay deegaanada gobolka Togdheer iyo tirada dadka ilaa hadda u geeriyooday xanuunkaasi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here