Xaflada Caleemo saarka Madaxweynah cusub ee Turkiga oo Maanta ka dhacaysa Magaalada Ankara

0
939

TURKEY-VOTEAnkara,(HargeisaPress) —Xaflada Caleemo saarka ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka dhacdo caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Turkiga oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaasoo ku guuleysatay doorashadii loogu tartamayay madaxnimada dalkaas ee bishan ka dhacday Turkiga.

 

Erdogan ayaa helay codadkii ugu badnaa doorashooyinkii madaxnimo ee Turkiga, isagoo helay codad ka badan kuwii laga doonayay wareegii hore ee doorashada madaxnimo ee Turkiga.

 

Guusha Erdogan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Soomaalida oo dhan iyo badi dadka islaamka.

 

Madaxweynaha cusub ee Turkiga ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay soo doortaan shacabka dalkaas, iyadoo horay ay madaxweynaha dalkaas u soo dooran jireen xubnaha baarlamaanka dalkaas.

 

 

HargeisaPress Kala Soco Xafalada ….

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here