Xaaskii Amiirka Dubai oo Baxsatay, Lana Tagtay Malaayiin Dollar

0
655

Dubai (HargeisaPress) – Xaaska Hoggaamiyaha Dubai, ahna Madaxweyne ku-xigeenka iyo Raysal-wasaaraha Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay ka baxsatay Imaaraadka Carabta, iyadoo doonaysa inay Magangalyo waydiisato dalalka Yurub.

Madaxda Dawladda Imaaraadka Carabtu weli wax War kama soo saarin Xogta sheegaysa in Xaaska Hoggaamiyaha Dubai ay ka carartay Dalka.

Amiirad Haya bint Hussein ayaa ka mid ahayd lix Xaas oo uu guursaday Sheekh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, waxayna kaga carartay Wiil 7 Sano jir ah iyo Gabadh 11 jir ah oo ay isaga u dhashay, sida laga soo xigtay Daily Beast.

Haya oo xilligan da’deedu tahay 45 Jir ayaa waxa dhalay Boqorkii Geeriyooday ee Dalka Jordan, boqor Xuseen.

Xogtu waxay intaa ku daraysaa in Xaya bint Hussein ay u baxsatay Jarmalka, iyadoo hore u sii qaadatay Lacag gaadhaysa 40 Million dollar, si ay nolol cusub halkaa uga bilowdo.

Markii ugu dambaysa ee la arko Haweenaydan ayaa ahayd bishii May ee sannadkan, xilligaasi oo ay Magangalyo ka codsatay Jarmalka, codsigaasi oo laga ogolaaday, sida ay ku warrantay Daily Beast oo HCTV soo xigtay.

Berlin ayaa lagu eedeeyay inay diidday Codsi uga yimid Sheikh Maktoum, kaasi oo ahaa in Xaaskiisa dib loogu soo celiyo Dubai.

Tallaabadaas ayaa keeni karta qalalaase diblumaasiyadeed oo labada dal soo kala dhex gala.

Waxa la sheegay in xilligan ay Xaaska Sheikh Maktoum ay isku qarinayso goob qarsoodi ah oo ku taalla London.

Akoonnadii ay ku lahayd Baraha Bulshada ayaan shaqaynayn illaa bishii February ee Sannadkan.

Waxa la soo weriyey inay Haya raadinayso sidii ay iskaga furi lahayd Ninkeeda reer Boqor, kaasi oo ay is-guursadeen sannadkii 2004-tii.

 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY