Xaaladda Abaarta Oo Sii Adkaanaysa, Marxuum Harraad U Geeriyooday Oo Shalay La Aasay Iyo Qaylo-dhaanta Ka Soo Yeeshaysa Waayeelka

0
1242
Abaarta

Saraar (HargeisaPress) —Waxa isa soo taraya Dadka Gobollada bariga ugu Geeriyoonaya Harraadka iyo Gaajada ka dhashay Abaarta Ba’an ee halkaasi ka jirta iyo weliba Xanuunnada Nafaqo-darradu ka midka tahay ee ka dhashay.

Deegaannada Dadku ugu Geeriyoodeen Harraadka iyo Gaajada waxa ka mid ah Deegaanka Higlada oo ka mid ah Gobolka Saraar, kaasi oo kulmiyey Dad badan oo reer Guuraa ahaa, balse markii Xoolihii ka dhamaadeen halkaasi nolol soo biday. Laakiin waxa Doraad halkaasi lagu aasay Marxuum Waayeel ahaa oo sida la sheegay u Geeriyooday Harraad iyo Baahi darteed, sida uu ku warramay Telefiishanka HCTV oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay.

Dad badan oo ku sugnaa Xabaasha Marxuumka la sheegay inuu Gaajada u dhintay, ayaa Telefiishanka uga warramay dhibaatada ka dhalatay Abaarta, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Harraadka sababay Geerida Marxuumka lagu aasay Higlada.

Mid ka mid ah Waayeelka ka Qayb-galay Aaskaasi ayaa yidhi “Waxaanu joognaa Qaasim Yuusuf Xaaji Axmed oo ku dhintay deegaanka Higlo, iyadoo ay dishay Baahi, Harraad iyo Raashin la’aan.”

Mid kale oo ka mid ah Waxgaradka Geerida Marxuumkaasi halkaa u tagay, ayaa isaguna ka warramay Dad kale oo uu sheegay in loo soo sheegay inay u Geeriyoodeen Harraad iyo Gaajo iyo weliba Xanuunnada Abaartu Sababtay “Sida War-bixinnada Odayaasha Maamulka Deegaanku sheegayso deegaankan waxa kor u kacaya Dhimashada Dadka. Waxaana la sheegayaa in Dad badan ay u dhinteen xanuunno Deg-deg ah oo ay keentay Tamar darrada iyo Nafaqo-darrada ay Abaartu keentay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Shalay (Doraad) waxay Qaylo-dhaan ka timid meesha la yidhaahdo Gumburo-xangeeyo oo la sheegayo inay illaa 7 Ruux ugu dhinteen Gaajo iyo Harraad.”

Waxgaradka kale ee Telefiishanka HCTV kula dul-hadlay Xabaasha Marxuumka Harraadka u dhintay, ayaa baaq u diray Madaxweynaha Somaliland, “Waxaanu Madaxweynaha ka codsanaynaa in Dhulka la geliyo Qaylo-dhaan Xoog leh, haddii kale Dadka oo dhami way ku idlaanayaan.”ayay yidhaahdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here