“Xaalada Uu Dalku Marayo Ee Aan Cidna Loo Tudhayn, Cidna Loo Aabo Yeelayn, Ee Boob Iyo Musuq Leh Waa La Arkaa” Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good

0
1275
Xildhibaan abubakar Cabdiraxmaan Good

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Xukuumaddan, hantidii umadda siday doonto u boobayso, oo ay caan ku noqotay boob iyo musuq-maasuqo, oo aanay cidna u tudhayn.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good oo u waramay Wargeyska  Geeska  Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wareegtada uu Madaxweynuhu ka soo saaray ilaalinta hantida qaranka, talaabo wanaagsan buu ku tilmaamay, balse wuxuu sheegay inay aad u adag tahay in la dhaqan galiyo, isagoo xusay in wareegtooyin badan oo hore Madaxweynuhu u soo saaray in aan lagu dhaqmin ama aan la fulin,waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlay Hantida Qaranka iyo Xukuumaddan “Xaalada uu dalku marayo ee aan cidna loo tudhayn, cidna loo aabo yeelayn, ee boob iyo musuq leh waa la arkaa oo cidna kama qarsoona, boobka hantida umadda iyo musuq-maasuqu caan buu ku noqday Xukuumaddan, waana lagu xasuusan doonaa, haddii ay Sharci noqoto, haddii ay Dekad noqoto, haddii ay Dhul noqoto, haddii ay Hanti noqoto, wax alaale wax u dihin umadda reer Somaliland ma jirto, oo Xukuumaddan ayaa siday doonto ugu takrifashay”.

Xildhibaan Abubakar mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Wasiiradda loo magacabay Guddida Ololaha ee Kulmiye iyo wareegtada Madaxweynaha ayaa ku jawaabay“Wasiiraddu shaqaale maaha, waa Siyaasiyiin, ololahana Sharcigu wuu u baneenaynayaa, balse waxa sharci daro ah in hantida qaranka inay ku ololeeyaan, Madaxweynuhuna wakhti fiican buu soo saaray wareegtadan ku saabsan in aan lagu ololayn karin hantida qaranka, haddii sideeda loo hirgelinayo,oo haddii sideeda loo qaadanayo, oo sideeda loo fulinaayo, oo Doorashada sideeda loogu dabaaqayo, waa arin fiican, oo sharciga iyo xeerarka dalka ayaa sidaas dhigaya,  uma maleynayo in amarka Madaxweynaha sideeda loo qaadanaayo, oo amarkaas wareegtadiisa  la fulinayo, wareegtooyin hore oo Madaxweynaha ka soo baxday oo aan la fulin baa iyana jira, wareegtadana kuwaas bay la mid tahay, laakiin haddii sideeda loo fuliyo, oo la dhaqan galiyo waa talaabo fiican”.

Xildhibaan Abubakar mar uu baaq u diraayey Musharixiinta ku tartamaya Doorashada iyo Xisbiyada ayaa yidhi “Lixda Musharaxa waxaan ugu baaqayaa inay tartamaan tartan xalaal ah, oo xor ah, oo fiican, oo iyagoo dalka iyo dadkaba eegaya inay si habsimi leh oo fiican u tartamaan, oo kii ku guulaystana loo hambalyeyo, oo la is garab taago”.

Xildhibaan Abubakar mar uu Bulshada baaq u diraayey ayaa yidhi “Bulshada waxaan leeyahay dantiina guud ayaa wax walba ka muhiimsan, qaranimada Somaliland ayaa wax walba ka muhiimsan, Musharaxa aad u aragtaan inuu dalkan iyo dadkaba badbaadinayo raaca”.

Xildhibaan Abubakar mar uu ka hadlaayey Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinka, waxa loo baahan yahay in sidii loo doortay inay noqdaan niman dhex-dhexaad ah, ilaa hadda wax dhaliil ah, oo aan odhan karo halkaas iyo halkaas ayey Komishanku dhaliil ka leeyihiin ma jirto, sidaas fiican ee ay hawsha u wadaan ee ay u dadaalayan, ha u sii dadaalan, oo siiga si fiican ha u qabtaan, oo ka ku guulaystay si cadaalada ah ha ugu dhawaaqan”

Mar aanu wax ka weydiinay aragtidiisa ku waajahan is casilaada uu Cali Xaamud Jibriil iska casilay Guddida Ololaha Awdal ee Kulmiye u magacaabay ayaa ku jawaabay “Cali Xaamud haddii uu iska casilay ololihii loo magacaabay, isaga u madax banaan, haddii uu yidhi kuma qancayana waa wax isaga u gaar ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here