Xaabsade Oo Sharaxay Sababta Uu Puntland U Tagay iyo Waxa Uga Meel Yaala Laascaanood

0
899

Axmed Cabdi XaabsaddeHargeysa (HargeisaPress) — Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, oo hore u ahaa Lataliyaha Doorashooyinka Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Wasiirka Warfaafinta iyo wasiirka hawlaha guudna ka soo ahaa Xukumadda Siilaanyo wakhtigana u wareeggay Maamulka Puntland ayaa sababeeyay waxa ku kalifay inuu tago Garoowe, waxaanu ku afgobaadsaday inuu wakhtigan ka fadhiistay siyaasada islamarkaana uu Oday u noqonayo Maamulka Puntland iyo Khaatumo.

“wax dhib ah ma jiraan ee Mar haddaan Siyaasadda  ka fadhiistay, waxay Iila muuqatay maadaama aan Siyaasadda u leeyahay khibrad dheer inaan maamulka Puntland oo aan horena uga tirsanaan jiray wax ka dhiso oo Xogaa kala yara buuq-buuqday, in aan wax ka hagaajiyo oo aan wax la dhiso, hadhawna aan Jubbaland u sii dhaafo oo aan u ololeeyo dadkii aan ka dhashay” ayuu yidhi Xaabsade oo BBC-da u waramayay.

Mr Xaabsade oo la waydiiyay sida lagu aamini karo inuu siyaasadda ka fadhiistay maadaama uu Puntland la shaqaynayo waxa uu yidhi “ may-may waa la I Aamini karaa, waanuna kawada tashanay waanan ku heshiinay”

Mr Xaabsade waxa kale oo la waydiiyay waxa ay markan kaga duwan tahay wakhtiyadii hore ee uu Somaliland iyo Puntland iskaga dab qaadi jiray ayaa ku jawaabay “Waxay kaga gedisan tahay, Markii hore maamulkaanu isqabanay laakiin, maamulkii aanu isqabanay waanu ka heshiinay, haddana qoladaasi(Somaliland) waanay ii baahan oo meel la iiga baahan yahay ayaan tagay oo aan doonayo inaan maamulka u dhiso oo aan u hagaajiyo”

Siyaasi Xaabsade ayaa la waydiiyay waxa uu ku soo kordhinayo faraqa u dhexeeya Somaliland, Khaatumo iyo Maamulka puntland “ Waxaan ku soo kordhinayaa, bal horta Khaatumo iyo Puntland inaan dhex galo oo aan heshiisiiyo oo dee labadaba aan ka tirsanahay oo aan ka dhashay, Ceebna ma ah ee waxaan doonayaa inaan si tolnimo ah u heshiisiiyo oo aan u dhex galo”

Siyaasi Xaabsade oo la waydiiyay in Xilalkii Muhiimka ahaa ee Somaliland loo dhiibay dad uu isku arkay inuu siyaasad ahaan ka muhiimsan yahay ka dibna uu cadhooday waxa uu ku jawaabay “mayee waxba maan cadhoon ee Siyaasadda waa la iska bedelaa, Kuraasta waa la iska bedelaa,markaa dhib ma laha, colaadna uma hayo, xumaana uma hayo oo waan ka fadhiistay”

Ugu dambeyn waxa la waydiiyay waxa uga meel yaala Laascaanood oo uu gacan ka gaystay inay Somaliland maamusho “Laascaanood Arinteeda waxaanu rabnaa inaanu Tolnimo iyo wanaag kaga wada hadalo oo Nimankaas aanu tolka nahay si wanaagsan oo hufan uwada heshiino wax uga wada qabsano.” Ayuu yidhi isagoo ka jawaabaya inuu Puntland, Somaliland iyo Kooxda Khaatumo mida uu kula heshiinayana waxa uu yidhi “ Saw maad maqal wada hadlaa wuu heshiiyaa, horta waanu wada hadlaynaa oo waxa fiican inaanu marka hore wada hadalo oo aanu wax meel isla dhigno”

Mr Xaabsade waxa uu ku celceliyay inuu dadka Puntland u Odayaynayo, balse aanu jirin xil muhiim ah oo uu ka qabanayo Puntland ilaa dadka Puntland u baahdaan.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here