Wiil Si La Yaab Leh U Badbaadiyay Ilmo Yar oo Meel Ka Soo Dhacay

0
698

Istanbul (HargeisaPress)- Feuzi Zabaat waa 17 jir u dhashay dalka Algeria waxaana lagu tilmaamay in uu yahay xiddig geesi ah kadib markii uu Ilma yar oo 2 jir ah uu soo badbaadiyay.

Feuzi ayaa dhexda ka qabtay Doxa Maxamed oo ah gabadh yar oo uu dhalatay Suuriya taasi oo ka soo dhacday daaqad ku taalla dabaqa labaad.

Doxa hooyadeed ayaa xilligaasi la sheegay in ay ku mashquulsaneyd cunto karin, balse nasiib wanaag waxaa waddada marayay Zabaat oo arkay gabadha oo soo dhacaysa, waxaana u suuro gashay in uu dhexda ka qabto gabadha oo aan dhulka ku dhicin isla markaasna wax dhaawac ah aanan gaadhin.

”Dhexda ayaan ka qabtay gabadha ka hor inta ayna dhulka ku dhicin, waxaa aan sameeyay waxa ay ahaayeen lagama maarmaan” ayuu yidhi Zabaat.

”Jacaylka Allaah iyo fadligiisa ayay ku badbaadday”

Zabaat ayaa waxa uu ka shaqeynayay meel aan ka fogeyn dhismaha gabadha ay ka soo dhacday.

Qoyska Doxa ayaa Feuzi Zabaat ku tilmaamay hal-yeey geesi ah.

Waxay arrintani ka dhacday magaalada Istabul ee dalka Turkiga.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Mamadou Gassama oo ah soo galooti ka soo jeeda Mali, oo qaxootinimo ku galay Faransiiska, uu badbaadiyay Ilma yar oo kasoo laadlaaday guri dabaq ah, tallaabada uu qaadayna waxay soo jiidatay indhaha caalamka.

 

HargeisaPress News Desk 

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY