WHO oo Maanta Shaacisay in Liberia laga cirib-tiray cudurka halista ah ee EBOLA + SAWIRRO

0
963

Monrovia, (HargeisaPress) — Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisay maanta oo Sabti ah in cudurka Ebola laga cirib-tiray dalka Liberia oo ka mid ah waddamada ku yaalla Galbeedka Afrika ee uu cudurkan dhibaatada weyn u geystay. Markii muddo 42-casho ah oo laba-jibbaar ka badan inta uu cudurku soo ridan karo Qofka uu ku dhaco aan cudurka lagu arkin dalkaas.

Dabaal-dag ku saabsan ka guuleysashada Ebola oo lagu qabtay Manrovia oo ay ka hadshay madaxweynaha dalkaas, Ellen Johnson Sirleaf ayaa sheegtay in cudurka uu ahaa midkii ugu xumaa oo muddo sannado ah dhibaato weyn u geystay dalalka Galbeedka Afrika.

 A man walks past an Ebola campaign banner in Monrovia. Photograph: Zoom Dosso/AFP/Getty Images
A man walks past an Ebola campaign banner in Monrovia. Photograph: Zoom Dosso/AFP/Getty Images

“Runtii dadkii cudurkan ka badbaaday waa kuwo aan dhibaatadiisa hilmaami doonin, sidoo kalena shacabkeenu ma iloobi doonaan murugadii xumayd ee laga dhaxlay cudurkan muddo qarniyo ah,” ayay tiri Sirleaf.

Sidoo kale, Ellen Johnson ayaa Maanta booqatay qaar ka mid ah xarumihii cudurkan lagula tacaalayay ee ku yaalla magaalada Monrovia, iyadoo u hambalyeysay shaqaalihii gargaarka caafimaadka ee cudurkan la dagaalamay, iyadoo la xusuusto in 200 oo dhakhaatiir iyo kal-kaaliyeyaal caafimaad isugu jiray ay cudurkan u dhinteen.

“Dhallinyaro badan oo reer Liberia ah ayuu cudurkan sal-faday, kuwaasoo ku riyoonayay bilooyin ka hor inay dhameystaan waxbarashada ayna dadkooda iyo dalkooda u adeegaan, iyadoo shacabka Liberia aysan weligood hilmaami doonin dhallinyaradaas,” ayay ku dartay hadalkeeda Sirleaf.

Liberia_Free_Ebola_WHO (3)

Ellen Johnson Sirleaf ayaa eedeyn u jeedisay dalalkii sheegay in la tacaalidda cudurkan uu yahay mid liita, xilli dagaal adag lagula jiray, waxayna dhanka kale amaantay waddamadii gacanta ka geystay in Ebola laga ciribtiro dalka Liberia, iyadoo xustay in hadda uu dagaalkii cudurku dhammaaday ayna dib u billaabayaan dhismaha noloshooda.

“Maanta waxaan ku dhawaaqayaa in Cudurka Ebola maanta Dalka Liberia laga Cirib-tiray. Waana naga dhamaadeen xusuusihii murugada lahaa ee aan cudurkan halista ah kala kulmi jirnay maalin walba intii uu waddankeenna ka jiray,” ayay madaxweynaha Liberia tiri.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Liberia oo keliya uu cudurka Ebola ku dilay 47,00 oo qof, isagoo dalalka Galbeedka Afrika ee kala ah Sierra Leone iyo Guinea uu cudurkan ku dilay Ebola 11,000 oo qof.

Thousands of people gather and celebrate, on the streets outside of West Point were they have been closed in by Liberian security forces, to stop all movement the past week in a attempt to control the Ebola out brake in Monrovia, Liberia, Saturday, Aug. 30, 2014. Liberia says it will open up a slum in its capital where thousands of people were barricaded to contain the spread of Ebola. Information Minister Lewis Brown says lifting the quarantine Saturday morning will not mean there is no Ebola in the West Point Slum. (AP Photo/Abbas Dulleh)
Thousands of people gather and celebrate, on the streets outside of West Point were they have been closed in by Liberian security forces, to stop all movement the past week in a attempt to control the Ebola out brake in Monrovia, Liberia, Saturday, Aug. 30, 2014. Liberia says it will open up a slum in its capital where thousands of people were barricaded to contain the spread of Ebola. Information Minister Lewis Brown says lifting the quarantine Saturday morning will not mean there is no Ebola in the West Point Slum. (AP Photo/Abbas Dulleh)

Dhanka kale, waxaa lasoo warinayaa in toddobaadkan dalalka Sierra Leone iyo Guinea laga helay kiisas cusub oo cudurkan ah, iyadoo WHO ay sheegtay in sidoo kale labadan waddan dhawaan looga dabaal-degi doono in cudurku uu ka dhammaaday sida Liberia maanta looga dabaal-dagay oo kale.

Ugu dambeyn, War-saxaafadeed laga soo saaray Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa loogu hambalyeeyay dalka Liberia, iyagoo ka digay in cudurka Ebola uu dib u soo laabto. Iyadoo war-saxaafadeedka lagu yiri. “Waa inaan Taxaddar dheeraad ah muujinnaa illaa cudurka Ebola laga cirib-tirayo dalalka Gobolka ku yaalla oo dhan.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here