Who Is The New Market Of Policy Guide? Yaa Hagaya Suuqa Cusub Ee Siyaasada.(Taxanaha Geeska Cusub), Q: 5aad, Qalinka:C.S.F(Jeesto).

0
1177
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Wali  waxaa  inoo  sii  socota  Qormadii  Taxanaha  Geeska-afrikaha  cusub  maanta  waxaan  naaqishi  doonaa  cida  hogaaminaysa  Suuqa  cusub  ee  Siyaasada  Geeska-afrika  ee  hada   furmi  raba,  Aan  ku  bilaabo  qodabkaan  iftiiminayo  oo  ku saabsan  dhinaca  Siyaasada  hogaaminteeda  ama  jaan-goynteeda,  Horta  intaanan  u  galin  mawduucayga  aan  isla  fahano  macnaha  Erayga  Siyaasad  macnihiisa  oo  Af-soomaaligu  ku  gafey  sida  ay  xuseen  gudidii  macnaysay  oo  sheegtay  inay  Erayo  bulshada  Soomaaliyeed  dhexdooda  ka  liita  ay  la  macno  yihhin  tusaale  ahaan  Eraygu  asal  ahaan  waa   Af-laatiini  (Politics,  Siyaasad  af-soomaali  ahaan),  Hadaba  maxaa  Af-soomaali   ahaan  la  macno  ah,  Waxa  la  macno  ah  Erayada  Khiyaamo  ama  Kaarto  mase  aha  micnaheedu  sidaa  way  ka  balaadhan  tahay  waa  khaladka  ay  inoo  sheegeen  gudigii  Af-soomaaliga  qortey  in  lagu  xad-gudbay  macnaha  Erayga  (Politics).

Intaanan  galin  wali  mawduuca  ii  khaaska  ah  Macneeyo  Eraygan  (Politics :Siyaasad),  What  is  the  Politics????  Politics  Is  The  Way  You  Succeeded   The  Guide-line  Your  Goal.  Oo  Macnaheedu  tahay  Af-Soomaali  ahaan  (Waa  Dariiqa  Loo  Marayo  Hagida  Guusha  Hadafkaaga),  Horta  kalmadaasi  waa  caynkaa  aan  soo  xusnay  waxaana  muhiima  in  laysla  fahmo  waxaan  ka  hadlayno  ama  Waxay daaran  tahay    kalmadani,  Bacda  Arer  aan  guda-galo  halkii  ii  calaamadsanayd  oo  ah  Yaa  Hagaya  Siyasada  Cusub  ee  imika  ka  dilaacday  Geeska  Cusub  taasi  oo  isugu  jirta  Mid  Ganacsi  iyo  Mid  Hogaamin  Siyaasadeed  ah,  Waxana  tar-tankani  dhex  yaalaa  dhamaan  wadamada  waaweyn  ee  ku  yaala  mandaqadan  yadoo  hada  loo  dareemayo  si  xawli  ah  xawaaraha  laysu  dhaafayo  si  loo  helo  hagitaanka  Ganacsiga,  Siyaasada,  Iyo  Maal-galinta  Caalamiga  ah  ee  Geeska  Cusub,  Maxaa  yeelay   dunidii  waxay  isha  ku  haysaa   Geeska  waxaanu  noqday  barta  laga  hagayo  kala  gooshida  Ganacsiga  dunida  horumartey  iyo  tan  soo  koraysa  oo  yadu  ah  Suuqa  laysu  haysto  cida  kasbanaysaana  waa  Cid  dan  siyaasiya  ku  hesha  khadkani.

Waxa  jira  jaanisyo  laysu  dhaafayo  oo  lagu  sii  kasbanayo  in  la  hantiyo  Wakiilnimada  dunida  is  haysata  ee  yadu  laf-ahaan  horumartey  danteeduna  ay  tahay  marin   ay   u  hesho  Suuqeeda  Ganacsiga  iyo  kan  Siyaasada,  Wadamada  fahansan    mustaqbalka  geeska  ayaa  yagu  u  sii  gogol-xaadhaya  inay  ka  faa,iideystaan  albaabadan  u  furmay  Gobalkooda,  Kaliya   danta  la  kala  riixanayaa   waxay  ku  salaysan  tahay   Dhaqaale  ama  Dan   la  xidhiidha  Istaraatajiyada  Aaladaha  Caydhiin  si  ay  dunidan   horumartey  u  kasbato  (Resource),  Halka  kuwan  soo  koraya  ee   Geeska  u  badanina  ay   ilaashanayaan  dilaalnimada   Wax-Soo-Saarka  saaxiibada  ay   yeelanayaan,  Ama   waxan  lagu  magacaabo  (Middle-manka)  oo  noqonaya   xidhiidhinta   mandaqadan   ay  ka  tirsan  yihiin  iyo  Saaxiibada  Caalamiga  ah  ee   yagu  wada  (Products  la  kala  iibsanayo),  Wadanka  nasiib  u  hela   ama  ay  Siyaasadiisu  u  saamaxdaana  uu  noqonayo  Hagaha  ama  hogaamiyaha   Siyaasada   Geeska-afrikaha  cusub  kaasi  oo  wax   badan  ka  baddali  doona  Gobalkan  lana  Jaan-qaadsiin  doona  dunida  inteeda  kale  xaal  ay   yeelato  Kacaan  Wax-soo-saar  (Production  Revolution).

Cida  hogaamin  doonta  Geeska-afrikaha  cusub   waxay  ku  xidhnaan   doontaa  dalalkan   tar-tamayaa  siday  u  soo  ban-dhigaan   (Strategic  Plane)  Qorshe  cad  oo  ku  aadan   waxa  ay  dunida   ka  iibinayaan ,  Sidoo  kale   waxaan   yadna   ka  maqnayn  meesha  (Raw  Materail  And  Cannel  of  Mariners),  Kani  waa   suurta-galnimada  lagu  kala  xulayo  wadamada  u  boratamaya  hogaanka  Geeska  ee  isla  mandaqada  ku  yaala,  Geeska  intiisa  badan   waxa  uu  leeyahay   meelo  laga  xakameeyo  xidhiidhka  dibloomaasiyada   waxana  ugu  caansan  laba  wadan  oo  kala  ah  (Kenya,  Ethiopia)  waa   xarumaha  ugu  badan  ama  albaabada    dunidu  ay  ka  soo  gasho  haday  tahay  qolyaha  (Bani-aadamtinimada ,  Dibloomaasiyada,  Iyo  Dhamaan  Socail  Functionka), Sidaan  ku  helay   xaqiiqooyin  ay  baahiyeen   khubaro  ku  xeel-dheer  Arimaha  geeska  oo  inta  badan  Falan-qeeya  ayaa  tibaaxay  in  loolanka  ugu  badani   dhex  yaalo   labadan  dal  inta  kalena  ay  yagu  la  kala  safan  doonaan  waa  sida  ay  hadalada  u  dhigeene,  Aragtiyaha  ka  soo  baxaya  imika  xiliyadii  u  danbaysay  ayaa  laga  dheehan  karayaa  Mustaqbalka  hogaaminta.

Qodobada  Ugu  Muhiimsan  Ee  Laysu  Garab  Marayo.

1:  Marinada  Biyaha  Ee  Xamuulka  Baddaha:-  Waa  meelaha  bud-dhiga  u   ah  waxyaabahan  loo  loolamayo  ee  ay  isu  urursadeen  bah-weynada  caalamiga  ah,  Hadaba  marinada  la  doonayo  in  la  helo  waxa  ka  mid  ah  Xeebaha  balaadhan  ee   Soomaaliya  Sida  (Kismaayo,  Boosaaso,  Hobyo,  Iyo  Muqdisho),  Iyo    Xeebaha  ugu  muhiimsan  geeska  ee  ku  yaala   dalka  Somaliland  (Berbera  iyo  Saylac), Wadamada  istaraatajiyadaa  ku  loolamaya  ee  loo  soo  kala  badinayaa  waa  labadaa  dal.

: Sal-dhigyada  Milatariga:-   Wadamada  loo  dan  leeyahay   si  loo  sugo  xasiloonida  iyo  Amniga    mandaqada  Geeska-afrika  ,  Kuwana  waxa  ugu  cad-cad  dalalka  Djabouti,  Somaliland,  Iyo  Soomaaliya  oo  ku yaala    meel  muhiim  u  ah   hagitaanka  Ciidamada  ku  teedsanaan  doona  ilaalinta  xasiloonida   Gobalka  iyo  Danaha  gaarka  ah.

3:Aaladaha  Caydhiin:-   Wadamada  loo  tirinayo  inay  leeyihiin   (Resource)  waxa  ka  mid  ah   wadanka   (Ethiopia)  oo  kaliya   inta  ilaa  haatan   la  hubo  waayo  waa  dalka  kaliyaatee   aan  la  gumaysan  ee   aan  la taaban  Aaladihiisa  Caydhiin,  Sidaa  awgeed  da,a   tirsiga  iyo  waayo-aragnimada  soo  jireenimo   yadu  ku   dilaysa   dhigeeda  oo  dhan.

4: Cida  ujeedada  leh  lama  oga  balse  waxa  u  adeegaya  Dawladaha  Khaliijka  Carabta  oo  yagu  ah  Gacan-yarayaasha  Fir-fircoon  ee  u  adeega  Daneeyayaasha  Caalamiga  ah ,  oo  yagu  si  toosa  u  muuqan  kuna  gabanaya   dawladahan  dhexe  ee  Carabta  ah  kuwaasoo  si  toosa  u fulinaya  danahooda.

Horaanta  Tar-tanka  Waxa  Sal  U  Ah.

1:  Talaabooyinka   nabadeed  ee  ay  wado  Dawlada  Itoobiya  isla  markaana  uu  hogaaminayo   Ra,iisal-wasaaraha  cusub  ee  dalkaasi  Dr.  Abiy  Ahmed  Ali.

2: Xafiisyada  Dibloomaasiyadeed   ee ay   Kenya  ka  furanayso   dalalka  afrika  intooda  badan  oo  ay  u  badan yihiin   wadamada   Geesku.

3: Xaalada  Midnimada  ay  Soomaaliya    ku baaqeyso  oo  ah   kuwa  ay   ku  loolamayso  si  ay  u  hesho   hanashada  Lead-gareynta  hogaanka  Geeska.

4: Suuqyada  Xorta  ah  ee   ay  sameynayso  wadanka  Djabouti  oo  yadna    kaga  qayb-galayso   amuuraha   is-baddalka   geeska  cusub.

Hadaba   waxa  muhiima  in  la  ogaado   cid  hogaanka  qaban  doonta   waa  lama  taabtaan   in  Is  baddelkan  daruurihiisii   ay   dul  joogaan  umada  ku  nool  mandaqadan,  Waayo  durba   waxa  jira  hirdanka  aan  kala  dhacayn   ee   wadan  kastaa   gaarkiisa   isu  tabaabushaynayo  si  uu  kaalintaa  u  kaamil  yeelo,  Wax  badan  waan  idinla  wadaagay  waxaan  soo   baadhey  ama  aan  ogaa   aan  ka  dhur-sugno   maxsuulka  iman  doona   mustaqbalka  dhaw.   La  Soco  Qaybaha  Danbe………..

C/raxmaan Sayid Faarax jeesto

abdiraxmaanjeesto111@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here