Weftigii Uu Hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay Dubai

0
1152

Dubai (Hargeisa Press): Weftigii uu hogaaminayay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo maanta safar ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ayaa caawa fiidkii waxay gaadheen magaaladda Dubai.

Waxaana weftiga madaxweynaha Somaliland halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay madax iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda isu-taga Imaaraadka Carabta.

Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa  si meeqaam sare leh ugu qaabilay madaarka Albateen Airport ee magaaladda Abu dhabi ee caasimada wadanka UAE.

Iyadoo uu soo dhaweeyay  wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo madaxtooyadda Somaliland madaxweynaha iyo weftigiisu waxay maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda imaraadka carabta.

Soo dhawaynta diiran ee dawladda Imaaraadka Carabtu ku qaabishay madaxweynaha Somaliland ayaa  ka turjumaya xidhidhka wanaagsan ee  ka dhexeeya dawladda Imaaraadka iyo jamhuuriyadda Somaliland.

Kaasoo ka turjumaya horumarka laga gaadhay xidhiidhkaas wanaagsan ee dhidibada loogu taagay arrimaha la xidhiidhka ganacsiga, arrimaha bulshada, iyo dhinacyada siyaasada ee Imaaraadka iyo Somaliland, muddooyinkii u danbeeyey ay ka wada shaqaynayeen.

Daawo Sawirradii Soo Dhawaynta

Hargeisa Press/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here