Wefti Mashaariic Maalgashi Ka Fulinaya Somaliland Oo Booqday Gabiley

0
731

Gabiley (Hargeisa Press.com): Wefti ka socday dalka Ciraaq oo Somaliland u yimid sidii ay mashaariic maalgashi uga fulin la hayeen ayaa maanta gaadhay degaamo ka tirsan gobolka Gabiley.

Weftigan maalgashiga u socda waxaa hogaaminayay agaasimaha guud ee wasaaradda horuamrinta maalgashiga Somaliland iyo agaasimaha guud wasaaradda beeraha Somaliland.

Waxaanay weftigan Ciraaqiyiinta ah soo kormeereen dhul beereedka banka Tog-Wajaale iyo sidoo kale goobaha iyo-soo-saarka magaaladda Gabiley.

Iyadoo kormeerkaasi ay ku wehelinayeen badhasaabka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, maayarka Gabiley, xubno ka mida aqoon yahanka iyo siyaasiyiinta gobolka Gabiley.

kadib markii kormeerkaasi oo dhamaaday waxaa warbaahinta warbixin ka siiyay u jeedadda socdaalka weftigani badhasaabka Gabiley iyo agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga caalamiga ah.

halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY