Wefti ka socda dalka Masar oo booqasho ku yimid Somaliland + SAWIRRO

0
1014
wasiir ku xigeenka arrimaha Dibada Somaliland Cabdiqaadir Cumar Jaamac iyo wasiir ku xigeenka iyo wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda Masar Ambassador Hamdi Loza PHOTO

Hargaysa (HargeisaPress) —Wefti uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda Masar Ambassador Hamdi Loza ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana madaarka ku soo dhoweeyey wasiir ku xigeenka arrimaha Dibada Somaliland Cabdiqaadir Cumar Jaamac iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka Liibaan Yuusuf.

Weftigan reer Masar ayaa dhawr maalmood joogi doonno, isla markaana kulama la qaadan doonna qaybaha kala duwan ee dawladda.

Safarkan ayaa ka dambeeyey bil ka hor markii ay casuumeen wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland oo uu safar maalmo qaatay ku tagay wasiir ku xigeenkii hore ee arrimaha Dibada Somaliland Liibaan Yuusuf, kaasi oo kulamo la soo yeeshay madaxda kala duwan ee Masar.

Safarkaasi hore ayaa keenay in maanta ay yimaadeen weftigan ka socda wasaarada Arrimaha Dibada ee Masar, markay kulamadaasi dhamaadaan ayaa la filayaa inay warbaahinta ka hadli doonaan.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY