Wefti Ka Socda Dalka Eritrea Oo Somaliland Soo Gaadhay

0
1161

Hargeysa,(HargeisaPress)—Wasiirka arimaha debada ee dalka Eritrea Cismaan Saalax iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland.

Weftigan ka socday wadanka Eritrea ayaa goor dhawayd kulan la qaatay madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo weheliyaan masuuliyiin xukuumadiisa ka tirsani.

Ka dib markii uu kulankaasi dhamaaday ayaa waxa warbaahinta la hadlay wasiirka arimaha debada somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faratoon) iyo dhigiisa dalka Eritrea Cismaan Saalax.

Wasiirka arimaha debada somaliland Yaasiin Faratoon ayaa faah faahin ka bixiyey kulanka dhexmaray madaxweynaha somaliland iyo weftiga dalka Eritrea.

Sidoo kale wasiirka arimaha debada ee Eritrea Cismaan Saalax Maxamed ayaa dhankiisa ka waramay ujeedada socdaalkooda iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxweynaha somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here