Weerar ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo oo lagu dilay waddaadka Cabdiweli Cali Cilmi

0
991

Galkayo, (HargeisaPress) —Ugu yaraan 11 ruux oo uu ku jiro waddaad caan ah ayaa ku dhintay weerar subixii hore ee Isniinta maanta ka dhacay xarun diimeed ku taalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Weerar ayaa ku bilowday qarax, waxaa xigtay rasaas,iyadoo rag hubaysan ay gudaha u galeen xarunta waddaadka geeryooday ee Cabdiweli Cali Cilmi yare.
Ururka al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarka,ayaa marar hore u digay waddaadka oo ay ku eedeeyeen in uu nabiga aflagaadeeyay.
Afhayeenka howlgallada ururka al-Shabaab Cabdiasis Abuu Muscab oo la hadlay Reuters,  ayaa sheegay weerarka inay u adeegsadeen gaari qarax lagu soo xiray, kaddibna ay gudaha u galeen xarunta dagaalyahanno hubaysan oo kooxda ka tirsan.
“Ciidanka amniga ayaa tagay xarunta waana la soo afjaray weerarka.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka amniga Galmudug oo warbaahinta gudaha la hadlay.
Khasaaraha ayaa lagu soo warramaya inuu intaas ka badan karo, waxaana warar horu-dhac ah ay sheegayaan in ugu yaraan 20 ruux ay ku sugnaayeen xarunta xilliga uu weerarka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here