Wayne Rooney oo Hoggaaminaya Laacibiinta ugu Qanisan Guud Ahaan Dalka Ingiriiska

0
1267

HargeisaPress —Wayne Rooney, ayaa hoggaaminaya liiska laacibiinta ugu taajirsan ciyaartoyga ka soo jeeda Britain iyo kuwa ka ciyaara, sidaana waxa lagu sheegay warbixin uu wargeyska Sunday Time ka diyaariyay hantida ciyaartoyga.

 

 

Kabtanka Man United waxa hantidiisa lagu sheegay 82 milyan pound, taasoo ka dhigaysa ciyaartoyga ugu qanisan, halka walaalaha Andy iyo Jamie Murray (Tennis) mid walba ka haysto 58 milyan pound.

 

rop

Rory McIlroy (Golf) waxa uu haystaa lacag dhan 56 milyan pound, halka Gareth Bale oo kaalinta afraad ku jira isna hantidiisa lagu sheegay 34 milyan, taasoo ka dhigaysa laacibka labaad xagga kubbadda cagta.

 

Laacibiinta ajaanibka ee Premier League waxa 10 ciyaartoy ee ugu taajirsan iyana ku jira Sergio Aguero (£33m), David Silva (£31m), Radamel Falcao (£29m), Samir Nasri (£22m) iyo Eden Hazard (£18m).

Kooxaha Premier League ee Lacagta ugu Badan Siiyay Wakiilada Ciyaartoyga oo la Shaaciyay

Manchester United, ayaa ugu sarraysa kooxaha Premier League ee lacagta ugu badan siiya wakiilada ciyaartoyga naadigan u ciyaara, iyadoo ku dhawaad kala badh ka sarraysa Liverpool oo labaad ku jirta.

 

FA-ga Ingiriiska, ayaa shaaciyay in Manchester United wakiilada cyaartoygeega siisay lacag ka badan 10 milyan pound, halka Liverpool oo kaalinta labaad ku jira wakiilada laacibiinta u ciyaara ka siisay 6 milyan.

 

Waxa kaalinta saddexaad ku jirta Man City (5.8m), halka Arsenal kaalinta afraad kaga jirto (3.1m), balse oo kaalinta toddobaad ku jirta waxay wakiilada ciyaartoyga siisay 2.2 milyan, waxana ugu hoosaysa Everton.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here