Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Waa Himilo Guul-horaanteed ah!!! W/Q Ismaacil Xasan Daahir

0
1998
Ismaaciil Xasan Daahir (Xuxaale)

Aniga oo ah Ismaaciil Xasan Daahir (Xuxaale) Waxan qalinka u qaatay iyadoo aanan ujeeddoo ii gaar ah iyo dan gaar ahaaneed ka lahayn Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi inan kaga hadlayo balse ujeedadayda rasmiga ahi waa inaan runta iyo xaqiiqada usoo bandhigo bulshada oo aan hubo in aanay  in badan oo ka mid ahi xog ogaal u ahayn xaqiiqada jirta.

Hoggaamiye kastaa waxa guul-gaadhsiiya cidda garbihiisa joogta, waxaana lays weydiin karaa Ummadi ma noolaan kartaa Hogaan la´aan/ Madaxweyne la´aan? Jawaabtu waa Maya! Ma dhici karto inay jirto, ummad aan lahayn Hogaan, toosiya, Aayaheeda ka talisa, magaceeda iyo sumcadeeda-na kor u qaada. Hogaanku waxa uu lamid yahay abuurka qofka Bini-aadamka ahi qaab-dhismeedkiisa naf ahaaneed, mana jiro qof Nool oo bilaa Madax ahi oo noolada ama nafi ku jirto.

Haddaba, Iyaddoo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay hadda Madaxweyne aad u firfircoon oo Ilahay Mahadi-haka gaadhee weli leh awoodii dhalinyaro-nimo iyo kartideedi, haddana waxa wax lagu farxo ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inay garbihiisa taagan yihiin oo ay xukuumadiisa kamid yihiin dhalinyaro xilalka qaranka uu u igmaday, kuwasoo leh aragti waxqabad caafimaad qaba iyo hufnaan shaqo oo dhamaystiran.

Shaqsiyaadka muraayadda ah ee waxqabadka iyo horumarka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi doorka weyn ka qaatay mudada yar ee ay jirtay waxa kamid ah Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Ee Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax ‘Guri Barwaaqo’ oo dhawaan Isbedel Ballaadhan Ku Sameeyay Madaxda Waaxaha Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Wacyigelinta JSL Mudane Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo Oo Ah Wasiirkii  7aad Ee Xilkan Soo Qabta Waxa Uu La Yimi Wasaaradda Dardar Cusub Iyo Firfircooni Dheerada Oo Ku Aadan Waxka Bedelka, Hagaajinta, Iyo Horumarinta Shaqada, Shaqaalaha Iyo Guud Ahaan Siyaasadda Wasaaradda Taasoo,sida uu u arkayay  Ka Turjumaysa Siyaasadda Xukuumadda Cusub Iyo Hoggaaminta Madaxwene Muuse Biixi Cabdi.

Muddada Gaaban Ee Uu Joogay Wasiirku Isagoo Ka Duulaya Qorshihi 120ka Maalmood Ee U Horreeyay Xukuumadda Wuxuu doonay inuu  Dib U Habayn Ku Sameeyo Shaqada Iyo Shaqaalaha Wasaaradda Isagoo Isku Bedel Ku Sameeyay Madax-Waaxeedyada Qaybaha Kala Duwan Ee Wasaaradda Taasoo Ahayd Mid Ku Adkayd Wasiiradii Ka Horreeyay Inay Farogeliyaan Xilalka Waaxaha,  nasiib darro wasiirku waxa uu il duufay taladana aanu ku darsan in wasaaradda warfaafinta hawl qabadkeedu aanu la mid ahayn qaabka shaqo ee hay’adaha kale ee dawladda,maxaa yeelay hay’addan hannankeeda shaqo waa mid ku xidhan waayo aragnimo xirfadeed Hindise Iyo Curin Dabooli Karta Baahida Wacyi Gelineed Ee Bulshada Iyo Qaranka Guud Ahaan Ay Warbaahinta Dawladdu U Adeegayso.

Geesta kale Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Md. Sharmarke Geelle oo runtii ah masuul u hagar-baxay wax u qabashadda dawladnimo iyo sidii qaranka Somaliland u heli lahaa shaqaale dawladeed oo tayo-badan.

Hogaaminta dhalinyarada waxaa lagu tusaaleeya sida cagaf-cagafka oo kale, waa qalabka loo isticmaalo tacbashada beeraha, dhismaha qaranimo, nidaam shaqeeya oo dawladeed iyo weliba horumar kastaa oo bulsho gaadho. Sido kale dhalinyaranimaddu way dhici kartaa ama dhacdaa in loo isticmaali karaa duminta dhismo ama guri, ama qaranba.

Akhriste Tani maha amaan iyo boggaadin dhalanteed ah, balse waa mid jirta oo ay ka markhaati yihiin shaqsi kastoo xog-ogaal u ah dhaqdhaqaaqyada dawladda cusub iyo aragtida fog ee Qaranka Somaliland leeyahay, waxanan hubbaa inuu Gudoomiye Sharmarke kamid noqon doono hoggaamiyaasha mustaqbalka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo astaamaheedii oo dhamaystirani ka muuqdan.

Hoggaamiye kastaa waxa uu himiladda dalka uu Xukuumo kaga dhabayn karaa waa xulushada hawladeenada qaranka uu xukumo, sidaa daraadeed waxan aaminsan nahay in Gudoomiyaha Hay’adda shaqaaluhuu yahay dadka ama masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi sharafteeda iyo karaamadeed kor-u-qaaday.

La soco qaybta danbe

LEAVE A REPLY