WAXAYNU QABSANAY IYO CARQALADAHA INAGA HORREEYA 27 SANO KA DIB!!!

0
1161

Waxanu shalay soo xidhnay shir caalami ah oo lagu gorfaynayay Somaliland waxay qabsatay ama gaadhay iyo carqaladaha ka horreeyaa 27 sano ka dib.

Shirkan oo ay qabanqaabisay wasaarada Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamka waxa ka soo qayb galay dad badan oo aqoonyahno ah oo ka kala yimid dibededa iyo gudaha dalka.

Waxa kale oo qayb lixaad ka qaatay xisbiyada mucaaradka ah, labada gole, hay’adaha aan dawliga ahayn, ganacsato iyo saraakiil ka socotay wasaaradaha dawlada.

Anigu waxan guddoominayay mid ka mid ah afartii kooxood ee gorfaynaysay waxa inoo qabsoomay 27kii sano ee aynu soo dhaafnay iyo carqaladaha inaga horreeya mustaqbalka.

Shirku wuxuu soo saaray baaq loo rogi doono siyaasadihii lagu hagi lahaa raadinta ictiraafka iyo weliba sidii loo gaadhi lahaa horumar bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Somaliland wax badana way qabsatay wax badanina way u hadhsanyihiin.

Somaliland Guul!!!
Jimce Wanaagsan

Aadanweli Ismail

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here