“Waxaan Shacbiga Somaliland Ogaysiinayaa In Awrkii Ratiga Ahaa Ee Axmed-Siilaanyo Lagu Aaminay Uu Raad Arooryo Ku Hoggaamiyey”- Muj. Cali Xaraaro.

0
822

“Madaxweyne Siilaanyo waxaan xusuusinayaa In Ismaaciil Buubaa Oo U dhashay Hargeysa-ba Uu Dalka kaga Maqan yahay Fikirkiisii Faderal Soomaaliya“Waxaan Jecelahay Inaan Halkan Baaq Uga diro Shacbiga Somaliland, meel kasta oo ay joogaan, anigoo Caroogga u sita Qaylo-dhaan ka dhan ah Qaddiyaddooda dhiiga badan iyo halganka dheer lagu soo ceshaday, taas oo maanta maraysa meel werwer leh oo ciddii ay ummadda Somaliland ku aamintay masiirkooda looga cabsi qabo in ay gacantooda ku burburto.

Waxaan sidaa dareen aan wakiil kaga ahay shacbiga Somaliland oo hoggaankii ay taladooda ku aamineen maanta uu ku duduucayo wixii ay 23 horteed ka dagaalameen. Haa waxaan ka digayaa Cawaaqib aan cidhib xumadiisa hadhow la mahadin doonin haddii sida uu xaalku maanta ku socdo lagu daawado. Haa dalkan Somaliland waxa uu dawlad nidaamkeedu u dhamaystiran yahay ahaa Muddo rub qarni ku dhaw, maanta se hayinkii gurgurshaaga ahaa ee ummaddu 50% ugu hibaysay Axmed Siilaanyo inuu u hoggaamiyo, waxaa Aniga iyo inta ila midka ahi aanu aragnaa shirqool aan dalka iyo dadka midna dan u ahayn oo la doonayo in Awr Caddaysimo ah laga dhigo Dawladnimadoodii, isla markaana uu damacsan yahay inuu qarsoodi u fuliyo ballan ujeedadeedu ahayd hanashada kursiga ugu sarreeya dawladnimada Somaliland oo xilligii mucaaridka uu ahaa u qaaday saan-caddaalayaal aan Somaliland nasteex uu ahayn oo doonaya wixii la isku odhan jiray Somaliweyn iyo Federaalnimo la rabo in Mar labaad Somaliland lagu shirqoolo oo lagaga dhigo Maamul-goboleed hoos yimaada Xamar.

Hore ayaa Soomaalidu u tidhi Muuminta laba jeer god laguma wado qaniino sidaasi darteed, maanta waxa anu heeggan u nahay isla markaana ilaashanaynaa Dawladnimadayada uu ninkii gurgurshaaga la moodayay doonayo in uu saqiiriyo.

Shacbiga Somaliland waxaan u sheegayaa in dawladdihii Axmed siilaanyo ka taageeray hanashada Madaxweynenimada ay maanta u soo direen Warqad ay kaga dalbanayaan in uu saxeexo amaba fuliyo ballantii uu u qaaday 2010-kii ee uu yidhi anigaa ka laandheeraysan Daahir Riyaale, Dawlada Somaliland dib ugu soo celin kara Maamul-goboleed Soomaaliyeed, sidaasi darteedna ay Kursiga uga Kiciyaan Madaxweynihi hore ee Somaliland. Ballantii waqtigaasi oo haatan laga joogo In ka badan Afar sanno waxa ay caalamkii taageeray ka doonayaan in uu fuliyo heshiiskaasi, isla markaana shacbiga iyo golayaasha u sheego wixii ay labadoodu isku ogaayeen, waxaanse leeyahay dadku way kaa horreeyaan oo wey kaa dembeeyaan oo way kula socdaan waxaad damacsan tahay, waxase aanad adiga iyo cidda Federaalka kugula socotaa aanay ogsoonayn in Shacbiga Somaliland aanad adigu metelin, xilkana aan laguugu dooran Madaxweyne Maamul goboleed, balse lagugu doortay Madaxweynaha dawladda Somaliland, waxaane kaaga digayaa in  adiga iyo qolada aad la ballantayba aydaan isku dayin inaad gacmihiina ku burburisaan Masiir ummad dhan oo aayahaeeda ka tashatay, haddii taas aad ku hammidana ogow in aanad gurigan madaxtooyada ee lagugu maamuusay ku jiri doonin ee hadh cad dibada lagaa soo dhigi doono. Waxa kale oo aan ku xusuusinayaa Axmedoow In Jiritaanka dawladnimada iyo qaranimada Somaliland aanad u bedeli Karin Federaal, haddii aad laab la kac moodayso hadalkaygan ogow reer Hargeysa waxa ay hore uga tashadeen rag badan oo damaca aad waddo ku hammiyey. Hargeysa Adigu kuma meteli kartid Federaal. Weli ma is weydiisay Ismaaciil Buubaa oo reer Hargeysa ah oo reer Hargeysa ahi inuu Weli Xamar ugu maqan yahay Fikirka Federaalnimada oo laga diiday, adiguna Somaliland oo idil iska dhaafe buro ayaad siddaa haddaad Bariga Burco oo keliya ku metesho Somaliweyn-nimo.

Midna waxaan odhanayaa qoladan dabada ka riixaysa Siilaanyo ee moodaysa in Federaal laga dhigi karo Dawlada Somaliland, waxaan leeyahay Faro-gelinta iyo burburka naga daaya, waad ogtihiin Qiimaha ay Somaliland noogu fadhido, Axmed Siiraanyo iyo innamadiisu yaanay idin waalin. Waxa aanu ku dooranay Madaxweynaah Somalialnd, haddii taasi deeqi wayday wallee isaga ayaa cirka roob ku og, isaguba waxa uu ka war hayaa in aanu Hargeysa ku joogin Maamul goboleed ee uu Madaxweyne Qaran ku joogo, wuu og yahay In ay Joogaan rag badan oo Somaliland uga lexejeclo badan oo ay ka mid yihiin Xasan Ciise Jaamac oo reer Hargeysa ah, Muj. Cali Xaraaro oo aniga ah iyo weliba rag badan oo kale.

Sida aan hore kuugu sheegayba Ismaaciil Buubaa Oo Reer Hargeysa ahi Wuxuu shacbigan kaga maqan yahay federaal uu damcay inuu fuliyo, kaas oo weliba Ceelkan Hargeysa ee lagugu sharfay kasoo jeeda kama xigtid.

Calaa kulli xaal, waxaan leeyahay shacbiga Somaliland farriinta aan halkan uga dirayaana ay tahay in ay isugu soo baxaan mudaharaad Madaxtooyada Horteed ay isugu yimaadaan oo ay ku muujinayaan dareenkooda, uguna quus goynayaan Axmed siilaanyo iyo inta hoos ordaysaba.

 

Qalinkii: Cali Cismaan (Cali-Xaraaro)

Hargeysa, Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here